Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Migrationverket oo farsamo cusub ku ogaaneysa da'da caruurta kaligood dalka imaada

La daabacay tisdag 4 juni 2013 kl 14.17
Waxaa kamid ah farsamoda lagu ogaanayo da'da ruuxa laga shakiyo baaritaan dhanka ilkaha ah. Foto: Linda Forsell/Scanpix.

Hayadda socdaalka Migrationsverket ayaa bilowdey farsamo cusub oo lagu ogaanayo da'da caruurta qaxootiga ah ee kaligood dalka yimaada.

Afartii bilow ee ugu horeysay sannadka waxaa dalka yimid 900 oo ah caruur keligood socdey, boqolkii 12 kamid ah caruurtaas ayaa lagu qiyaasay in ay ka weeyahiin 18 sanno inkastoo ay isku dhibeen in ay ka yaryahiin 18 sanno.

keysaska laga shakiyo ayaa hada loo helay farsamo baaritaan oo lagu ogaan karo da'da rasmiga ah ee caruurta dalka keligood yimaada. Farsamadaan ayaa ah in laga qaado raajito gacmaha, lafaha iyo ilkaha qofka laga shakiyo, iyadoo sidoo kale qiyaasta dhaqtarka meesha lagu darsanayo.

Oskar Ekblad oo madax ka ah waaxda qiimeysa magangeliyo doonka ee Migrationsverket ayaa aad ugu qanacsan farsamada cusub, laakiin waxuu sheegay in xataa farsamadaan cusub aan lagu hubsan karin in ruuxa caruur yahay weli iyo inkale.

- Dabcan suurtogal mahan in meesha laga saaro in ruuxa ilmo yahay iyo in kale. Lakiin farsamadaan waxay lamid tahay farsamooyinka cadeymaha ah ee la adeegsado maxkmadaha dalka, sharuudana waxa weeyea in ruuxa magangeliyada dalbadana ee laga shakiyo in uu keeno cadeynta ah in uu yahay caruur iyo in kale.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".