Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Gudiga dastuurka oo dhaleeceyn dusha ka saaray wasiirada ganacsiga iyo wasiirkii hore ee difaaca

La daabacay tisdag 4 juni 2013 kl 16.12
Gudoomiyaha gudiga dastuurka Peter Eriksson (ruuxa sawirka ugu horeeya) iyo xubnaha kale gudigaas oo maanta kulan ku qabtay barlamaan Iswedhen gudahiisa Foto: Janerik Henriksson/Scanpix

Gudiga dastuurka barlamaanka Iswedhen ayaa maantaa dhaleeceyn weyn u jeediyey wasiirkii hore ee difaaca Sten Tolgfors iyo wasiirada ganacsiga Annie Lööf.

Sten Tolgfors ayaa lagu dhaleeceeyey kaalinta uu kulahaa qorsha la doonayey in warshad hub loodhiso dalka boqortooyada Sacuudiga. Inkastoo dowladda uu gudiaga ku waayey eedaha ah in ay wax ka ogeyd dhismaha warshadaan hubka ee ay hayadda takhasuuska difaaca FOI rabtey in ay u dhisto Sacuudiga.

Sida ay gudiga dastuurka sheegeen waxaa ugu yaraan jiray gugii sannadkii 2009 macluumaad yaalay xarunta dowladda oo muujinayey in FOI (försvarats forskningsinstitut) dhistay shirkada layiraahdo SSTI. Shirkadaas o ku luglahayd dhisida warshada hubka ee Sacuudiga loo dhisayey. Balse waxaan jirin cadeyn muujineysa in ruux kamid ah dowladda ama madaxtooyada oo ku luglahaa ama ogalaadey dhisida warshadaan.

Laakiin gudiga dastuurka ayaa qaba in ay ahayd in wasaarada difaaca u kuur-gasha tilaabada arintaan la xiriirta balse ay wasaarada arintaan ka indho laabatay ayaa lagu yeri qoraalka gudiga difaaca.

Wasiirada ganacsiga ayaa dhankeeda waxaa lagu dhaleeceeyey sida ay u maareysay arin la xiriirtey qaabka ay u gubisay macluumaad dadweyne. Waxaan gaar ahaan lagu dhaleeceeyey in aysan u gudbin sida sharciga dhigayo macluumad dadweyna oo wargeyska Aftonbladet ka dalbadey wasaaradeeda, markuu wargeyska macluumadkaas ka dalbadeyna waxay wasaaradeeda maclumaadkaas u gubiyeen laamaha kale ee wararka sida Ekot iyo TT. Arintaan oo ah mid ka soo horjeeda sharciga macluumaadka dadweynaha.

Sharciga macluumaadka dadweynaha ayaa dhigaya in macluumadka yaala xarumaha dowladda ee aan wax udhibeynin sirta qaranka in sida ugu dhaqsaha badan loo gubiyo cidkasta oo dooneysa in ay wax ka ogaato.  waxaana arintaas sidoo kale dhaleeceeyey kaga muteystay gudiga dastuurka wasiirka koobaad Fredrik Reinfelt.

Gudoomiyaha gudiga dastuur Peter Eriksson oo arintaas ka hadlayeyna waxuu yeri:

- Wasiirada ganacsiga ayaada masuulida arintaan tahay in dhabarka laga saaro laguna dhaleeceeyo sida ay u maareysey, laakiin waxaa dhaleeceyntaan sidoo kale dusha ka saareynaa wasiirka koobaad Reinfeldt madaama madaxtooyada guud ahaanteed ay masuul ka tahay in la dhooro sharuucda dalka. Hayadda fulintana ma moodin in ay ka soo baxeen sharuudaha uu dhigayo sharciga macluumaadka dadweynaha, ayuu yeri Peter Eriksson (MP) gudoomiyaha gudiga dastuurka barlamaanka Iswedhen.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".