Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Dadkii baabuurtooda laga gubay oo aan haysanin caymis sax ah

La daabacay tisdag 4 juni 2013 kl 17.00

Dad badan oo baabburtooda lagu gubay rabshadahii asbuucyo dhaweyd ka dhacay xaafaddaha duleedka Stockholm ku yaala ayaan haysanin caymis sax ah.  Shirkadaha caymiska ee kalo ah IF, Trygg-Hansa iyo Folksam ayaa illa iyo hada waxaa soogaaray 110 dacwadood oo la xiriira baabuur gubtay.

 Laakiin dadka baabuurtooda laga gubay ee dacwadaha shirkada caymiska ugubsaday ayaan baabuurtooda ku jiran caymis uguda kara baabuurkii laga gubay, sida ay qortay jariirada Mitt i.

Qiyaas la sameeyey ayaa sidoo kale muujineysa in baabuurtii lagu gubay xaafadda Husby in ay boqolkii 44 baaburtaas ay ku jiraan keliya caymiska waddada ee la yiraahdo trafikförsäkrink. Caymiska wadda waxuu kabaa keliya ruuxa gaariga leh dhibaatada uu geysto laakiin ma kabo dhibaatada soogaarta gaarigiisa, caymiska wadda ayaa waajib ku ah gaadidka wadda.

Xaafadda Kista baabuurta gubatay boqolkii 27 ayaa ku jirtay keliya caymiska wadda halka tiradaas tahay xaafadda Rinkeby boqolkii 33. Tiradaas marka loo barbardhigo xaafadda ayana isla Stockholm ku taala ee Danderyd ayey tirada baabuurta ku jirta keliya caymiska wadda tahay boqolkii 9 halka ay Östermalm noqoneyso boqolkii 16

Xogta: TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".