Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Dalabyada mamnuucida la xiriirka oo la sahlayo

La daabacay onsdag 5 juni 2013 kl 10.37

Dowladda ayaa waxay ku talisay in la sahlo qorista warqada mamnuuca la xiriirka ee ku jeeda raga iyo dumarka lamaanahooda dhibaateeya . Hindisahaan ayaa qoseynaya lamaanaha weli goriga qabysadda.

Hindisaha hadii uu meel maro waxay ka micno noqoneysaa in qoraalka shariga is-badel lagu sameeyo oo laga badalo sida hada uu u qoranyahay oo ah qatar dhibaateyn lagana dhigo suurtogal qatar dhibaateyn. Waana ruuxa garaacista geysta kan guriga ay tahay in uu ka guuro.

Wasiirada caddaalada Beatrice Ask oo arintaan ka hadleyseyna waxay tiri sida tan:

- Waxaan aragnay in sharuucda noo degsan aysan ku filnay. Saas darteed waxaan rabnaa in aan sii wanaajino oo aan hirgelino mamnuucid badan oo ah dhanka la xiriirka si aan u yareyno haweenka dhibaatada soo gaarto. Waayo waahaweenka waxa xaaladahaan oo kale dhibka kalo kulma, inkastoo sharciga yahay mid u dhexdhexaad ah haweenka iyo raga, ayey tiri wasiirada caddaalada Iswedhen Beatrice Ask.

Sannad kasta waxaa dalbada mamnuucida la xiriirka 4000 oo ruux . 100 kamid ah keliya ayaa loo ogalaadaa dalabkooda kuwaas oo ah lamaane dhib u geysta ay guri la qaybsada.

Isha: laanta wararka ee Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".