Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Ilma waliba xaq ayuu u leeyahay helitaanka fanka iyo hiddaha

La daabacay onsdag 5 juni 2013 kl 10.49
Waa sidii dhaqaalaha taageerada dhallaanka "barnbidrag-ga"
(4:12 min)
Geska Helena Brecevic, Madaxa qorshaha Medeas Barn. Sawirle: Kenadid Mohamed

Xilliga dayrta ee foodda innagu soo haya, gu'ga dabadii ayuu bilaaban doonaa qorshe loogu suurta-gelineyo dhallaanka aan hore u booqan masrax riwaayadeed iney u daawasho tagaan qaar ka mid ah masraxyada gobolka Istockholm. Qorshahan oo markii ugu horeeysay lagu talaabsadey, soconna doonna ilaa iyo gabagabada sannadkan, diseembar 2013 ayaa loogu magac-darey Medeas Barn, sida ay noo sheegtay Geska Helena Becevic (Jeska Helena Beskevij), gudoomiyaha qorshahan tijaabada ah:

- Medeas Barn, ayaa ka soo jeeda riwaayaddii ugu horeeysay ee dalka laga sameeyey bartamihii toddobaatameeyadii ee qarnigi tagay, middaasina oo markii ugu horeeysay tooshka lagu saarey xaaladda dhallaanka, hadday noqon lahayd dhanka fanka iyo xuquuqda awoodda dhallaanka oo dhankooda laga wajahey. Sidoo kale xaaladaha dhibaatooyinka ee dhallaanka ey la soo gudboonaadaan xaaladaha kala tagga labada waalid ee dhallaanka, sida ay sheegtay.

Geska Helena Brecevic, ahna hoggaamiye far-shaxaneed ee masraxa riwaayadaha lagu dhigo ee lagu magacaabo Unga Klara ayaa sheegtay in fikirkani ka biloowday kolkii ey hoowl-wadeennada masraxa Unga Klara u muuqatey kulammo ey riwaayado ugu dhigeen iskuullada ey dhigtaan dhallaanku in aaney dhallaan badani abid tagin masrax riwaayadeed:
- Dhallaan badan oo aan la kulanno, ama ha ku dhaqnaadaan xaafadaha duleedka magaalad ama kuwa ey deggen yihiin dadyoowga qaniga ah ayaaney weligood u suurtagelin iney tagaan masrax ama la kulmaan hiddaha iyo dhaqanka. Xaaladda fakhri ee dhallaanka ayaa kor u sii kacday, dhaqaale-darrida waalidiinta la soogudboonaatey. Walidiintu dhaqaale uma hayaan, iskuulu dhaqaale uma hayo. Hase yeeshee maahan oo keliya wax ku saab-san dhaqaalaha oo keliya. Balse waxaa laga fakhriyey dhanka dhaqanka:
- Waxaan kaloo isticmaalnaa weedha ah "fakhriga hiddaha iyo dhaqanka laga fakhriyey". Ma ahan oo keliya dhallaanka fakhr-nimada ku sugan. Waxaan kaloo aragney dhallaan reerkoodu dhaqaale leeyahay oo aaney weligood u suurtagelin iney masrax tagaan, sida ay shegtay.

Qorshahan hor-dhaca ee Medeas Barn ayaa haddaba goolka dhow ee laga leeyahey uu yahay dhabbadii dhaqaale loogu ururin lahaa dhallaanka aaney u suurtagelin iney ka qeyb ka noqdaan masraxyada riwaayadaha. Hoowshanina waa mid xadidan markan oo ku kooban un oo keliya degmooyinka gobolka Stockholm. Hase-yeeshee ay maskaxda ka dambeeysaa tahay sidii dalka oo dhan loo gaarsiin lahaa iyo mustaqbalka dheer loogu suurtagelin lahaa ka qeyb ahaanshaha aan ku ekeeyn masraxyada oo keliya iyo sidoo kale dhammaan qeeybaha kale ee dhaqdhaqaaqyada dhaqanka sida: riwaayadaha, Ballet-ka, muusikada iyo wixii la mid ah, sida ay sheegta Geska Helena Brecevic:

In kasta oo hoowshan abaabulkeedu bilaabatay bishii abriil ee sannadkan, soconna doonto ugu dambeeyn illaa iyo gabagabada sannadkan noveembar, diseembar ayaa dhallin-yarada dooneeysa loo suurtagelin doonaa iney iska diiwaan-geliyaan si ey uga dalbadaan tigidh ey ugu daawasho tegi karaan riwaayad lagu dhigi doono masraxa riwaadaha ee "Unga Klara" - oo dhaca bartamaha magaalada Stockholm, kulturhuset. Riwaayaddaasina loogu magac daray: Författarna - qoraayada. Sidoo kale waxaa suurtagal looga dhigi doonaa dhallaankaasi iney helaan tigidhkii ey gaadiidka kaga soo raaci lahaayeen goobta ey deggan yihiin, iyada oo aan marnaba loo aaba yeeleeyn dhaqaalaha reerka. Waana sidii taageerada dhaqaalaha ey dawladdu reeraha ku siiso waxa loo yaqaanno "Barndbidrag", sida ay sheegtay Geska Helen Brecevic:
- Waxaan u barbar-dhigi karnaa dhaqaalaha dawladdu ku kaabto dhallaanka ee lagu magacaabo "barnbidrag-ga". Waxaa la siiyaa dhallaan walba iyada oo aan loo aaba-yeeleyn dhaqaalaha waalidkaa. Waa sidaa middaa aan u dooneyno in dhallaanku xaq u yeesho helitaanka dhaqanka.

                                                                            kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".