Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Iskutaga Lo oo doonaya in S olalaha doorashada aysan cidna la kaashan

La daabacay onsdag 5 juni 2013 kl 11.33
Ferbe (bidix) ayaan dooneynin in Löfven (midig) la galo gaashanbuur xisbiyada V iyo MP doorashada ka hor:Arkivfoto: Roger Vikström/Scanpix.

Siddeed ka mid ah 14 wakaaladood ee ka idka ah iskutaga ururka shaqaalaha LO ayaa doonaya in xisbiga Socialdemokratiga uu gactiisa keliya ku galo olalaha doorsahaa soo socoda ee la qabanayo september sannadka 2014.

Wakiillda ururada shaqaalaha ayaa aaminsan in xisbiga uusan horey ugu balanqaadin boosas wasiiro ah xisbiga Miljöpartiet ama Vänsterpariet, sidaas waxaa wargeyska DN ku ogaadey telefoono uu kula xiriirey wakiillada matala ururada shaqaalaha ee kamidka ah urur weynaha iskutaga shaqaalaha ee LO.

Gudoomiyaha ururka shaqaalaha beriha Anders Ferber ayaa sheegay in uu aaminsanyahay in ay tahay wax wanaagsan in xisbiyada si kalo madaxbanaan u galaan doorashada khibradooda iyo qorshahooda.

- Waxaan qabaa in dadka Iswedhen rabaan in xisbiyada ku galaan.Ma qabo in dadka ay guud ahaan marka horey ka fakarayaan dowladda suurtogalka ee la dhisi doono doorshada ka bacdii. Dadka marka ay doorashada soo dhamaato way ogyahiin in la so dhisi doono dowladda haysata kalsoonida barlamaanka. Waxayna tahay in markaas la raadsado cida wadoshaqeynta iyo gaashaan buursi lala yeelanayo oo ku xirnaan doonta natiijada doorashada.

Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".