Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Berito oo loo dabbaaldeggayo maalinta qaranka Iswedhen iyo xafledo loo qabanayo dadyowga dhalasha qaatay

La daabacay onsdag 5 juni 2013 kl 14.18
Maxmuud "Iswedhen waa qarankeyga labaad"
(10 min)
Boqorad Silvia iyo boqor Carl Gustaf sannadkii hore ugu dabbaaldeggaya maalinta qaranka magaalada Visby. Foto: Karl Melander/ Scanpix

Maalinka beriya lixda bisha Juni waa maalinta loo dabbaadeggo maalinta qaranka Iswedhen. Meelo badan oo kamid ah dalka waxaa lagu qabanayaa xafled lagu weeyneynayo dadka sannadkaan qaatay dhalashada Iswedhen.

 Xafledaan waxaa soo qaban qaabiya degmooyinka dalka kuwaas oo musik iyo qodbaddo ku soo dhaweeya dadyowga la siiyey sannadkaan dhalashada Iswedhen.

Degmooyinka xafledaha noocaan ah qorsheynaya waxaa kamid ah degmada magaalada Göteborg, degmadaas oo sannadkaan ay dhalashada Iswedhen qaateen dadyow gaaraya 950 ruux. Waana markii todobaad oo xafledaan oo kale lagu qabto bartamaha mnagaalada Göteborg. Camilla Carlefall oo madax ka qaban qaabada xafledaan ayaa aaminsan in xafledaan ahaan doonto mid raagta.

- Xafleda waxaan u qabanaa sidii dadka dhalashada la siiyey u soo shaacin laheyn bulshada kugu soo dhaweyn laheyn. Arintaan waxay noqotay mid dhaqan ah. Waa la dareemaya runtii sabab kasta ruuxa ha u dalbadeeda dhalashada in xafledaan tahay arin weyn oo ay dadywoga ku faraxsanyahiin. Waa arin calaamad u noqotay magaalada waana sii waddi doonaa, ayey Tiri

Fråga

Fakta: maalinta qaranka

  • 6 juni sannadkii 1523 waxaa loo doortay Gustav Vasa in uu noqdo boqorka Iswedhen
  • Lixda Juni 1809 waxaa Iswedhen laga hirgeliyey dasturka haga dowladda markii ugu horeysey.
  • 1916 waxaa markii ugu horeysey loo dabbaaldeggay maalinta calanka oo noqotay lixda juni.
  • Bilowgii qarnagii 1900 Iswedhen iyo waddamo faro ku tiris ah Yurub ayaan laheyn maalin loo dabbaaldeggo qaranka.
  • 1983 ayey 6 juni noqotay maalin la xuso qaranka Iswedhen.
  • 2005 ayey maalinta qaranka noqotay maalin fasax
Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".