Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Markab dagaal oo iswiidhish ah oo ay burcad-badeed isku dhaceen

La daabacay fredag 7 juni 2013 kl 12.14
Sawirle: Malin Hjulström/Sveriges Radio.

Markabka dagaalka oo Iswiidhen leedahay oo lagu HMS Carlskrona ayaa arbacadii la soo dhaafay ku guuleystay in uu joojiyo weerar ay burcad-badeed ku soo qaadeen markab Hindiya laga leeyahay oo marayey meel ka baxsan xeebta Soomaaliya. Markii iswiidhishku u soo gurmadeen markaas ayey raggii burcad-badeedda ahaa ka carareen goobtii.

Tobaneeyo burcad-badeed ah ayaa markabkaas oo sidey xoolo nool u dhacay oo halkaask u qabtay 14kii qof oo ahaa shaqaalaha markabka.

Kadib markii shaqaalihii markabka hindigu direen qayla-dhaan soo gaartay markabka oo ay u suuragashay in uu u gurmado. Waxaa gurmad ka qaybqaatay diyaarad kuwa qumaatiga u kaca oo shaqaalaha kula xiriirayey raadiyaha halowhalowda.

Burcad-badeeddii oo isla markiiba goobta ka cararay waxay sii wajaheen dhinaca Soomaaliya. Sidaas ayuuna weerarkaasi guud ugu dhammaaday. När piraterna styrt in mot land och lämnat fartyget gick svensk personal ombord - och kunde konstatera att gisslandramat fått en lycklig upplösning.

Markabka iswiidhishku wuxuu gacanka cadmeed ku sugnaa ilaa bilowgii bishii abriil. Dhawr jeer ayuuna uga qaybqaatay hawlgallo looga hortegayo weerarro burcad-badeed.

Isha: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".