Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Kalkaaliyayaal oo gunno lagu siinayo in ay fasaxooda dib u dhigaan

La daabacay fredag 7 juni 2013 kl 12.16
Sawirle: Maria Loewen/P4 Väst

Isbitaallo badan oo dalka ku yaal ayaa kalkaaliyayaasha caafimaadka ugu deeqaya gunno dhaqaale haddii ay dib u dhiganayaan waqtigooda fasaxa, Matalan isbitaalka weyn ee Karolinska wuxuu u ballanqaaday 1500 oo karoon dheeraad ah kalkaaliyihii dib u dhiga fasaxiisa muddo laba toddobaad ah.

Waxaa in tallaabadaan la qaado sababay in goobo badan oo caafimaad ay shaqaaluhu ku yaraadeen iyo in isbitaalada qaarkood bukaanku ku batay. Xilliga kulaylka waxaa aad u yaraada shaqaalaha isbitaalada waayo kuwo badan ayaa fasaxooda ku aaddiya xilliga kulaylaha. Sidaas awgeed ayaa hadda la isugu dayayaa in shaqaalaha lagu soo jiito gunnadaan dhaqaale.

Waxaase aad tallaabadaan aad u dhaleeceeyey ururka shaqaalaha caafimaadka oo uu hoggaamiyihiisa Sineva Ribeiro sheegay in qofka shaqaalaha ahi u baahan yahay in uu qaato afar toddobaad oo isku xiga oo fasax ah si uu awood ugu shaqada dayrta. Waxay kaloo sheegtay in kuwo badan oo ka mid ah shaqaalaha caafimaadku ay daal iyo kadeed badan kala kulmaan shaqooyin dheeraad ah oo qabtaan.

Isha: DN

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".