Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

In afti dadka laga qaadaa saameyn weyn kuma leh socodka siyaasadda

La daabacay fredag 7 juni 2013 kl 17.47
Sawirle: Janerik Henriksson / Scanpix.

Afti ayaa laga qaaday dadweynaha toddoba degmo oo Iswiidhen ku yaal kadib markii la soo gudbiyey liis magacyo ku qoran yihiin. Taasna waxaa suurtageliyey wax ka beddelkii lagu sameeyey dastuurka dalka sannadkii 2011. Laakiin ilaa hadda laba degmo oo qura ayey siyaasiintu raaceen natiijadii aftida.

Ilaa markii dastuurka lagu sameeyey wax ka beddelka sannadkii 2011 waxaa aad u soo kordhay liisaska magacyada oo lagu dalbanayo in afti laga qaado dadweynaha. Waxaa xilliga doorashada baarlamaanka ee sannadka dambe la qabanqaabin doonaa laba iyo toban afti ah oo kow iyo toban ka mid ah la oggolaaday kadib markii la soo gudbiyey liisas magacyo ah. Waxayna u badan tahay in kuwo kale ku soo darsami doonaan inta aan la gaarin doorashada baarlamaanka.

Baaritaan uu sameeyey wargeyska DN waxaa lagu muujiyey in ilaa intii dastuurka isbeddelka lagu sameeyey ay hal mar oo qura dadkii ka qaybgalay aftidu kor u dhaafeen boqolkiiba 50. Sidaas awgeed ayey u yar tahay saamaynta ay natiijooyinka aftidu ku leeyihiin hannaanka siyaasadda.

Isha: DN

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".