Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

DO oo xafiiskiisa u wareejinaya Rinkeby/Tensta

La daabacay måndag 10 juni 2013 kl 09.20
Sawirle: Bertil Enevåg Ericson/Scanpix

Waxaa lagu talajiraa in xafiiska wakiilka ka hortagga cunsuriyadda oo ay ka shaqeeyaan ilaa 100 qof loo raro mid ka mid ah labada xaafadood Rinkeby ama Tensta oo ku duleedka Stockholm. Ujeeddada go’aankaasi ayaa ah in la tirtiro fekradaha oo ah in ay xaafadahaas dadku ka guuraan oo ay ku yar tahay dhexgalka bulshada inteeda kale. Sidaasna waxaa qoray wasiirka arrimaha isdhexgalka Erik Ullehag (FP).

Sidaas awgeed ayey dowladdu hadda u xilsaartay DO in uu u hawlgalo sidii xafiiska hay’adda loogu wareejin lahaa xaafadaha Rinkeby/Tensta. Taasina waxay qayb ka tahay sidii sare loogu qaadi lahaa sumcadda xaafadahaas.

Sannadihii ugu dambeeyey hay’ado badan ayaa ka guurayey xaafadaha ku yaal bannaanka Stockholm. Hase yeeshee, waxay xisbiyada ku midoobey maamulka degmada Stockholm isla garteen muhiimadda in hay’adaha maamulka degmada loo raro xaafadaha degmada ka tirsan kuse yaal hareeraha Stockholm.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".