Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Boliiska oo iska indha-tiray dhab-u-eegidda Breivik

La daabacay måndag 10 juni 2013 kl 10.10
Caalinka Wilhelm Agrell.

Ninkii argagixisanimada ka sameeyey Noorwey ee Anders Breivik magaciisu goor hore ayuu ku jirey liiska ay hay’adda nabadsugiddu ka soo ururiso dadka la tuhunsan yahay. Sidaas awgeed ayaa looga hortegi karay falkii argagixisanimada ahaa ee uu ka sameeyey magaalada Oslo iyo jasiiradda Utøya. Sidaasna waxaa qoray wargeyska Svenska Dagbladet. Hay’adaha dowladdu waxay diirradda saareen oo qura kooxaha argagixisada islaamiga ah iyagoo iska indha-tiraya in ay argagixisadu ka iman karto meel kale. Sidaas waxaa laga soo xigtay caalinka arrimaha sirdoonka oo lagu magacaabo Wilhelm Agrell oo hadda soo bandhigay warbixin uu kaga hadlayo baaritaano uu ku sameeyey sawirada cabsida leh iyo digniinaha la xiriira falkii argagixisanimada ee ka dhacay Noorwey.

Wuxuu caalinkaasi ka digay maqnaanshaha in si ballaaran loo eego argagixisanimada iyo in ciidanka nabadsugidda iswiidhishka oo loo soo gaabiyo Säpo aysan samayn qallad la mid ah kii uu sameeyey ciidanka nabadsugidda Noorwey.

Isha: SvD

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".