Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Dadka jabtada qaada oo Iswiidhen ku soo badanaya

La daabacay måndag 10 juni 2013 kl 10.45

Waxaa soo badanaya dadka cudurka jabtadu ku dhaco. Wuxuuna gaar ahaan ku badan yahay dadka dhallinta yar iyo ragga la galmooda ragga kale. Machadka ka hortagga cudurada faafa wuxuu ku tilmaamay arrin walaac leh gaar ahaan marka laga eego bakteeriyada oo marba marka ka dambeysa sii noqoneysa mid adkeysi badan.

Dhacdooyinka dadka laga helay jabtada waxay ka soo kordheen 951 dhacdo oo la helay sannadkii 2011 oo ay gaareen 1098 dhacdo sannadkii la soo dhaafay, taasina waa koror gaaraya boqolkiiba 16. Sidaasna waxaa lagu muujiyey warbixin cusub oo uu soo saaray Machadka ka hortagga cudurada faafa oo afka iswiidhishka lagu yiraahdo Smittskyddsinstitutet (SMI). Qaadidda cudurkaanina waa ay soo kordheysey sannad walba marka laga soo bilaabo bartamihii sagaashameeyadii.

Ragga qaada cudurkaani waxay ku labanlaabmaan dumarka qaada. Waxaana taas sabab u ah in qaadidda cudurku uu ku badan yahay ragga ragga kale la galmooda marka la barbardhigo bulshada inteeda kale. Hase yeeshee wuxuu machadka SMI ogaaday in dhacdooyinka cudurkaan ay ku soo badnaadeen dhallinyarada la galmoota jinsiga ka soo horjeeda, waa galmada dhexmarta lab iyo dheddig.

Isha: SvD

CUDURKA JABTADA

Jabtadu waa cudur ka mid ah cudurrada galmada lagu kala qaado. Waxaana keena baktiiriyada nooca loo yaqaan “Neisseria gonorrhoeae.” Wuxuu ku dhacaa xubnaha taranka ee ragga iyo dumarkaba. Waxaa cudurka jabtada lagu daaweeyaa daawada antibiyootikada. Haddii aan la daaweynna waxaa dhici karta in uu qofka u keeno waxyeelooyin ballaaran ay ka mid noqon karaan infakshano dhaliya in uu qofku noqdo madhalays, iyo la qaadsiiyo ilmaha kolka la ummulinayo.

Isha: SMI

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".