Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Dab ka kacay bakhaar bateri ee magaalada Landskrona. Xir albaabada iyo daaqadaha. warar intaa dhaafsii-san P4 Malmöhus ka daalaco.

KD oo doonaya in baaritaan lagu sameeyo xubin ka noqoshada Nato

La daabacay måndag 10 juni 2013 kl 11.21
Xarunta dhexe ee ururka Nato oo ku taal Buruksalis, Beljan. Sawirle: Emma Kvennberg/Sveriges Radio

Xisbiga kirishtiyaan-dimoqraadiga oo loo soo gaabiyo KD wuxuu diyaar u yahay in baaritaan lagu sameeyo in ay Iswiidhen xubin ka noqoto ururka gaashaanbuurta ee loo soo gaabiyo NATO iyo in kale.

Xisbigu wuxuu horay u diiddanaa in ay Iswiidhen ku biirto NATO, laakiin kulan uu hoggaanka xisbigu isugu yimid maalintii sabtida waxaa la isku raacay in wixii xubin-ka-noqosho ah marka hore baarlamaanku baaritaan ku sameeyo. Sidaas waxaa soo werisey idaacadda telefishanka ee TV 4 Nyheterna.

Go’aanka hoggaanka xisbigu wuxuu jawaab u yahay hindise hadda ka hor lagu doonayey in xisbigu ”haa” ugu codeeyo xubin-ka-noqoshada NATO. Xubnaha xisbiga oo ra’yigaan taageersanna waxaa ka mid ah Mikael Oscarsson oo ah afhayeenka xisbiga u qaabbilsan arrimaha gaashaandhigga.

Waxaa hindisahaan lagu lafaguri doonaa shirweynaha xisbiga KD oo la qaban doono bisha Sebteember ee sannadkaan.

Isha: TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".