Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Sicir-barar ku dhacay shahaadooyinka dugsiyada

La daabacay måndag 10 juni 2013 kl 14.24

Tobankii dugsi hoose/dhexe ee dalka ku yaal waxay labo ka mid ahi ku yaalliin gobolka Stockholm. Laakiin afar ka mid ah toban dugsi ee ardayda fasalada sagaalaad siiya shahaadada ugu sarreysa ee xisaabta lagu qaato waxay ku yaalliin gobolka Stockholm. Taasina waa natiijo ka sarraysa tan laga qaato imtixaanka guud ee laga qaado dhammaan ardayda dalka. Sidaasna waxaa qoray wargeyska Svenska Dagbladet.

Waxaa kaloo uu mid ka mid ah lixdii dugsi hoose/dhexe oo ku yaal Stockholm siiyaa ardayda maaddaan dhigata shahaado boqolkiiba 40 ka sarraysa sida caadiga ah.

Jens Pettersson oo ah baare ka socda hay’adda kormeerka dugsiyadu wuxuu qabaa in ay taas sabab u noqon karto tartanka ay degmooyinku ugu jiraan ardayda.

Isha: SvD

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".