Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Hay’adda Socdaalka oo sare u qaadeysa kartida hawlwadeenadeeda

La daabacay måndag 10 juni 2013 kl 16.27

Kadib markii hay’adda socdaalka dhaleecayn kulul loogu soo jeedineeyey in aqoonta xirfadeed ee shaqaalaheedu hooseeyo, ayey hadda shaqa-gelineysaa dad aqoon gaar ah u leh in ay qiimeeyaan arrimaha dadka magangelya-doonka ah oo dalalkooda uga soo cararay cadaadis lagu hayey habka ay u galmoodaan awgiis. Sidaasna waxaa soo weriyey wargeyska DN.

Hadda inta xilligaan kulaylaha lagu jiro ayey hay’adda socdaalku geyn doontaa dhammaan laamaheeda dalka ka furan middiiba qof tababar gaar ah la soo siiyey.

- Badanaaba arrimaha HBTQ waa kuwo qiimeyntoodu adag tahay. Waxaan soo aragnay dhibaatooyinka ay hay’adda socdaalka iyo maxkamaduhu ka soo mareen arrimaha noocaas ah. Sidaas waxaa yiri Carl Bexelius oo ah kuxigeenka qaybta sharciyada ee hay’adda socdaalka.

Isha: DN

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".