Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Maalgelin ballaaran oo lagu dayactirayo tareenada duugga ah

La daabacay måndag 10 juni 2013 kl 17.13
Tareenka dheereeya ee SJ 2000 oo u kala goosha Stockholm iyo Koobenheegan oo taagan maxaddada magaalada Nässjö.

Shirkadda gaadiidka tareenada iswiidhishka oo loo soo gaabiyo SJ ayaa maalgelin ballaaran oo gaaraya balaayiin karoon ku dayactireysa tareenada dheereeya ee loo yaqaan SJ 2000. Ujeeddada maalgelinta ayaa ah in tareenadu noqdaan kuwo waqtigooda ku yimaada oo raaxo badan. Idaacadda Ekot waxay soo werisay in in tareenada la casriyeeyo ay ka wanaagsan tahay in la soo iibiyo kuwo cusub.

Shirkadda SJ waxay dooneysaa in ay ka faa’iideysato sancada tareenada SJ 2000, oo ah mid ku habboon waddooyinka tareenada Iswiidhen oo aad u leedleexadka badan.

Waxaa gebi ahaanba la beddelayaa hannaanka hoggaaminta iyo quwadda tareenada oo loo yaqaan wadnaha iyo maskaxda tareenada, oo hadda soo shaqaynayey muddo u dhexeysa 20 ilaa 25 sano. Marka lagu daro qurxinta tareenada gudahooda waxaa soo baxaaya tareeno gebi ahaanba cusub, xataa haddii ay arrintani ku saabsan dayactir. Waxaana la qorsheynayaa shaqada dayactirku dhici doonto sanooyinka u dhexeeya 2016-2019.

Isha: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".