Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Natiijo aan dhab ahayn oo ka soo baxday tijaabooyinka unugyada

La daabacay tisdag 11 juni 2013 kl 09.49

Haween tiradoodu gaarsiisan yihiin boqol oo ku dhaqan nawaaxiga carriga Jämtland ayaa is-bedel laga heley unugyadooda iyada oo horay loogu sheegey iney caafimaad qabaan. Amuurtan ayaa soo baxday kolkii baaritaan dib loogu sameeyey 10 000 oo ka mid ah tijaabooyinka unugyada ee isbitalka Östersund, middaasina oo ka dambeeysey in baare ka mid ah baareyaashii uu khaldamey muddo iminka sannad ay ka soo wareegtay, sida uu qoray war-geeyska Östersundsposten.

Hanna Forsberg Nilsén oo ka soo jeedda magaalada Orrviken oo da'deeduna tahay 38 jir ayaa ah gabadha ay dhibaatada ugu ballaaran ka soo wajahday fadeexaddan sannadka ey ka soo wareegtay.

Hanna Forsberg Nilsén ayaa mag-dhow la xiriira welwelkii kala soo gudboonaaday fadeexaddaa ku heshay mag-dhow gaarsiisan 40 000 oo ey ka heshay waxa loogu magac-daro ceeymiska bukaanka. Hase yeeshee aan wax mag-dhow ah lagu siin cudurka kaankarada ee ku dhacay, maadaama la khalday tijaabadii unugga ee laga qaadey.

Isha/ Östersundsposten

                                                                        kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".