Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Shantii mid kamid ah baraakooyinka xanaanada caruurta waa in la burburiyaa

La daabacay tisdag 11 juni 2013 kl 10.38
Foto: Fredrik Sandberg/Scanpix

Waxaa hada meelo badan oo dalka kamid ah ka bilowdey rarista xanaanada caruurta kadib markii sharci cusub uu ku qasbay in la burburiyo aqalada kumeelgaarka ahaa ee ay ku yaaleen, sida uu wariyey telefishinka SVT.

Mararka qaar ayaa degmooyinka ku qasbanaadaan in ay caruurta u bedelaan xaruumo kale oo kumeelgaar ah madaama sida loo fasiro sharcigaan uu degmooyinka ku noqdey lama filaan. Sannadyada soo socda ayaa dhibataada arintaan waxaa wajahi doona degmooyinka faro badan oo dalka ku yaala sida uu wariyey SVT Nyheter.

Toban kamid ah 15 degmo ee ugu waaweyn dalkaan Iswedhen waxay dhorkii sanno ee ugu danbeeyey si weyn u maagelinayeen dhisida aqalada baraakada ah maadaama dhisidoo ay ka howl fududahay dhismayaasha kale.  Sadex meelood aqaladaan baraakada ka sameysan ayaa waxaa la dhisey horaantii sannadyadii 2000.

Laakiin waxeysan degmooyin badan sugeynin in uu soo baxi doono sharci xadidaya dhismayaasha kumeelgaarka ah oggalaanshahooda dhismo kana dhigi doona 10 sanno kaliya. Waagii hore ayaa dhismoyaal badan oo kumeelgaar ahaa la siin jirey cafis in loo dheereeyo oggolaanshaha dhismada, taas oo loogu dari jirey hal ama labo sanno oggalaanshaha.  Laakiin sharciga cusub ayaa arintaas meesha ka saarey.   

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".