Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Welwel iyo cadho waddammada EU ee ku wajahan dalka Mareeykanka

La daabacay tisdag 11 juni 2013 kl 11.20
Qaar waxaa jira yiraahda "waa waxaan horay uga digney"
(2:34 min)
Dood degdeg ah oo aan caadi ahayn oo si deg deg ah la isugu yeerey xubnaha baarlamanka EU-da. Sawirle: Scanpix. Montage: Sveriges Radio.

Qaar badan ee ka mid ah siyaasiyiinta ugu muuqmuuqda ee waddammada xubnaha ka ah ururka Midowga Yurub ayaa ka muujiyey welwel, ciil iyo cadho ee la xiriirta falkii dhageeysiga dahsoon ee dalka Mareeykanka. Maanta ayuu baarlamanka ururka EU-du kulan degdeg ah ka yeelan doonaa dood la xiriirta dhageeysigii sirta ahaa ee daklka mareeykanku ku dhageeysanayay telefoonnada iyo xog is-dhaafsiga aaladda internetka.

- Bulshada waddammada EU-da ayey kala soo gudboonaadeen cawaaqib-xumo dhanka badbaadada xogaha qofnimo, sida uu sheegay hogaamiyaha garabka liberaalka (siyaasadda furan, xorta ah) ee xubnaha baarlamanka EU-da Guy Verhofstadt.

Halka ay siyaasiyadda u dhalatay dalka Holand Sophie in't Veld ay sheegtay in hoggaanka sare iyo dhammaan waddammada xubnaha ka ah ururka ee EU-da ey bannaank u tuureen sidii ey ku ilaalin lahaayeen xuquuqda qof-nimo ee bulshada iyo shirkadahaba.

Sida ay qabto Marita Ulvskog oo baarlamanka EU-da u metesha xisbiga Sooshiyaal-dimoqoraadiga ay sheegtay halista ka iman karta in meel la isugu geeyo xogag-shakhsiyeed fara badan, sida liisaska rakaabka dayuurradaha iyo macaamiisha bangiyada:
- Waa mid laga dhiidhiyo, waxaa dhanka kale jira dadyoow oraneya miyaaney aheeyn waxyaabihii aan horey uga digney?"

Shaleyto ayuu hoggaanka baarlamanka EU-du si degdeg ah go'aan ugu gaaray in degdeg la isugu yeero maantaba xubnaha baarlamanka si ey uga doodaan xaaladda dhageeysiga sirta ah iyo tallaabada dalka Mareeykanka laga qaadey. Iyadoona ay dooddan horteed welwel ka muujisay waxyaabihii dhacey Cecilia Malmström, kana mid ah xubnaha hoggaanka sare ee EU-da u matasha dalkan Iswiidhen:
- Xaqiiqdii waxaan aad iyo aad uga welwel-sannahey dhacdooyinkii amuurta dhageeysiga sirta ah la xiriirey iyo sidoo kale cawaaqib-xumada kala soo gudboonaan karta bulshada Yurub ku dhaqan, maadaama uu falkani yahay mid xuduudaha isaga gooshaya. Hase yeeshee aan iminka wax sidaa u ballaaran aan laga war-heyn, sida ay sheegtay Cecilia Malmström.
- Sidoo kale waxaan maamulka Mareeykanka ka codsaney in wax-bixin dheeraad ah nalaga siiyo si aannu uga boganno dhacdadan. Gabagabada toddobaadkan ayaannu yeelan doonnaa kulan heer wasiireed oo uu ka qeyb qaadan doono wasiirka cadaaladda ee dalka Mareeykanka. Annaga oo ku raja-weyn inaannu ka helo war-bixin ballaaran.

Welwel ama cadho intee le'eg ayaa loo qabaa xaaladdan soo shaac-baxday?
- Xaqiiqdii labadaba, sida ay sheegtay Malmström.

Isha/ Ekot

                                                                          kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".