Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Daryeel tayo leh oo la siinayo dadka sakaraadka ah

La daabacay tisdag 11 juni 2013 kl 16.27
Sawirle: Per Stahre/SR

Waxaa maanta jira dad badan oo xanuun awgiis isbitaalada ku noqnoqda laakiin aan helin caawimaad looga yareeyo xanuunka ama walaaca haya. Kuwo badan ayaa lagu wargeliyaa in ay waqti dhow dhimanayaan. In ku dhow boqolkiiba konton dadkii sannadkii hore dhintay waxay ahaayeen kuwo dhakhaatiirtu u sii sheegeen in ay dhimashadoodu dhowdahay.

Haddaba si dadkaas ku jira gabagabadii nolosha loo siiyo gargaar waxay hay’adda adeegga bulshada hadda soo bandhigtay dhabba-tus lagu doonayo in la kordhiyo la-joogga, fududeynta xanuunka iyo la-hadalka dadkaas, iyo weliba la kordhiyo aqoonta shaqaalaha iyo la socodka dhakhaatiirtu la socdaan dadka bukaanka ah. Sidaas waxaa qoray agaasimaha guud ee hayadda adeegga bulshada Lars-Erik Holm i SvD.

Hay’adda adeegga bulshadu waxay qaabayn ku samaysey aqoonta iyo xeerarka arrintaan khuseeya iyo in ay isu keento ilaa 70 khubaro oo dejiya dhabba-tuskaan cusub. Waxaana lagu la talinayaa maamulada degmooyinka iyo goboladu in ay kor u qaadaan aqoonta shaqaalaha ku hawllan daryeelka dadka ku jira gabagabada nolosha.

Dadka nolosha dhammaankeeda ku sugan iyo ehelkoodaba waa in ay dhakhaatirrtu si joogto ah ugu siiyaan la hadal iyo wargelin ku saabsan ujeeddada iyo nuxurka daryeelka bukaanka. Dhammaan dadka ku sugan gabagabada nolosha waa in ay fursad u helaan in laga la hadlo arrimaha khuseeya nolosha oo ay shaqaalaha caafimaadku mar walba xoogga saaraan arrimaha nolosha iyo caafimaadka. Maamulada degmooyinka iyo goboladana waxaa laga sugayaa in ay sii wanaajiyaan wadashaqaynta xagga daryeelka bukaanka, ayna soo gaabiyaan waqtiyada uu qofka bukaanka ahi u kala wareego guriga iyo isbitaalka.

Isha: TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".