Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Dokumenti lagu badalayo sawirka soomaalida laga heysto oo la soo saarey

La daabacay tisdag 11 juni 2013 kl 18.36
"Indhahey ii furtay, rajo cusub bay igu abuurtey"
(11 min)
1 av 4
Qaar kamid ah dadkii ka soo qayb-galay kullanka Nordic Somali Youth Summit oo ka dhacay Stockholm. Foto:Warsame Elmi/SR
2 av 4
Ayaan & Idyl Mohallim oo leh shirkada fashion designer ah oo layiraahdo Mataano, taas sal-dhigeedo yahay New York ayaa kamid ahaa dadkii ka hadlay kulanka. Foto:Warsame Elmi/SR
3 av 4
Erik Ullehag wasiirka is-dhexgalka ee dalka Iswedhen oo asna ka hadlayey kulanka. Foto Warsame Elmi/SR
4 av 4
Abdulkhadir Bashiir Xusseen oo kulanka dhallinyrada uga yimid dalka Danmarka. Foto:Warsame Elmi/SR

Sannadkii hore kulan ay dhallinyarada Soomaalida waqooyiga Yurub ku yeesheen magaalada Oslo ayaa waxaa lagu soo saaray dokumenti la yiraahdo Charter for Change. Dokumentigaas ayaa lagu qorey todobo qodob oo wax looga bedalayo xaaladda ay soomalida waqooyiga Yurub ku suganyahiin.

Todobadii bishaana Hoteelka Hilton ee ku yaala bartamaha magaala Stockholm ayaa lagu qabtay shir kii Oslo daba socdey oo dokumintigaas lagu soo bandhigey.  Lisa Cooper oo ah gabar u dhalatey Mareykanka balse ku nool dalka Norweyd islamarkana madax u ah shirkad layiraahdo Leadership Foundation ayaa laheyd qaban qaabinta kulanka.

- Markaan bilowney kulanka Nordic Somali Youth Summit waxaan dhiiro-gelin ka helnay dad badan oo aan la xaajooney kulankii ugu horeeyey oo ay kamid ahaanyeen dadka ay quseysey iyo wakiilo dowladeed. Nin layiraahdo Rollan Farow oo ka howl-gala wasaarada arimaha dibada ee Mareykanka  ayaa igu yeri ”Lisa ka dhig arinta wax la taaban karo, ha qabanin kulan markasta. U samee dhallinta wax ay qabtaan, samee wax la taaban karo oo noolaan kara oo aad dib ugu noqan kartiin markaad doontiin”. Waayo sidaas ayaa is-badel lagu gaaraa oo saameyn lagu dhallin karaa. Markaan waxaan isweydiiney maxay noqon kartaa arintaas? Markiiba waxaa maskaxdeena ku soo dhacdey in waxaan rabno ay tahay is-bedel, is-bedel wanaagsan. Saas darteed ayaan sameyney dokumentiga charter for change oo ah dokumenti ku sabsan firifircoomi iyo waddoshaqeyn sidoo kalena ay ku dheehan tahay baaq ku socda dhallinyarada iyo dadka kale ee ay quseyso, sida siyaasiinta iyo bulshada ganacsiga, ayey tiri.

Waxbarashada, shaqada, kaalinta dowladdaha, takuleynta iyo taageerida dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa kamid ah qodobada lagu tilmaameyn dokumentiga in xooga la saaro, si wax looga badalo sumcada hooseysa ee Soomaalida waqooyiga Yurub.

Kulankii sannadkii hore lagu qabtay Oslo Norwey ee dhalay dokumintigaan ayaa sannadkaan lagu qabtay magaalada Stockholm, ayada oo filayo in kulanka xiga lagu qabto dalka Danmark sannadka danbe

Ku dhawaad 200 oo  dhallinyaro ah intooda badana waxbarasho sare leh si wanaagsan u lebisnaa ayaa qoobta shirka lagu qabtay oo aheyd Hoteelka Hiltown iskugu yemid. Ujeedka kulanka ayaa ahaa sidii xiriir u dhex mari lahaa loona dhiiri gelin lahaa dhallinyarada soomaliyeed ee Waqooyiga Yurub. Sidaas waxaa yeri Dr Jihan Moxamed oo kamid  ah urur layiraahdo S.a.V.e oo wax ka soo qaban qaabiyey kulanka.

- Shirka oo dhan waxuu ku sabsanyahay in dhallinyarta tusaale fiican loo noqdo oo ay xiriir ay ka faa'ideysan karaan sameystaan. Saas daraadeed baan dad badan oo aduunka meelo badan ka kalo yemid ku casuney oo dhinac kasto hor-u-mar ka gaaray, ayey tiri Dr Jihan Moxamed.

Dokumentiga charter for change iyo kulmada noocaan ah ayaa sidoo kale la doonayaan in kor loogu soo qaado sumcada iyo kaalinta soomalida waqooyiga Yurub ku dhex leeyahiin bulshooyinka ay la noolyahiin.

Qiyaasta Soomaalida wayooyiga Yurub laga heysto ayaa ah in yahiin dad aqoontooda liidato oo ay adag tahay in ay la qabsadaan bulshooyinka Yurub, arintaas oo safaaxada Iswedhen aad loogu celceliyo.

Dhanka kale in 200 oo ah dhallinyaro soomaaliyeed oo hormar dhanka waxbarasho iyo nolasha shaqo ka gaartay kulan loogu qabto Hoteelka aan cid kasta helin karin ee Hiltown ma ahan wax markasta dhaca. Qaar badan oo ka mid ah dhallinyaradii kulanka ka soo qayb-gashayna waxaa lamofilaan ku noqotay in ay jiraan dhallinyaro soomaaliyeed oo dhankasta ka dhisan hadii ay ahaan laheyd tacliin iyo hor-u-mar shaqo oo weliba tiradaas leh. Abdikhadir Bashiir Xusseen waa 25 sanno jir waxuuna kulankaan dhallinyarada soomaaliyeed ee waqooyiga Yurub uga yemid dalka Danmark.

- Waxay igu soo kor-dhiyeen ma garan kartid walaahi. Indhahey ii furtay, rajo cusub bay igu abuurtey. Waxyaabo cusub baan maanta la kulmay, "in aan anaka Soomaali nahay aan wado jirno". Danmark, Filand, Ingriiska iyo Mareykan baa layskaga yimid waad maqleysey. Anaka waa wado jirna, in aan isku sheegno waaye,"walaalo aan nahay kuligeena hal jid aan kuwado socono" taas baa aniga maanta in ay jirto indhaha iigu furmeen, ayuu yeri.

Abdulkadir Bashiir xusseen waxuu dalka Denmark yemid asaga oo afar sanno jir ah. 2007 ayuu dalka Ingriiska ka bilaabey waxbarasho ah arkitekt laakiin markuu ayaan dhiganayey ayuu Abdulkadir badashey waxbarashadiisa madaama sida uu yeri uusan dooneynin in xirfadiisa ay ku koobnaanto kaliya sawirida naqshadaha guriyaha. Waxuuse maanta dhigtaa ”architectural tecknology and canstruction management”, cilmigaas oo ka kooban sawirada naqshada guriyaha iyo dhisidiiba. Abdikhadir doorashadiisa waxbarasho ayaa ku saleysan damaciisa mustakhbalka madaama sida uu yeri uu doonayo in uu maalin un dalkii Soomaaliya dib ugu noqdo kana hirgeliyo shirkad dhanka dhismaha ah.

Laakiin in ay jiraan Soomaali badan oo gaartay guul dhanka nolasha, hamigooda tacliintana aad u sareeyo ayaan aheyn wax saxaafada Iswedhen soo xigato. In laga sheekeeyo guulaha soomaalida iyo hor-u-marka ay sameeyaan waa sida kaliya ee lagu badeli karo sawirka sumcadeed ee soomaalida. Sidaas waxaa yeri wasiirka is-dhexgalka ee dalkaan Iswedhen Erik Ullenhag oo asna kulanka ka qayb galay.

- Wey jirtaa dhibaato baaxad leh oo la xiriirta 45.000 oo soomaali ah oo ku dhashay soomaliya hadana ku nool Iswedhen, kuwaas oo wajahaya fikrado ah in dhamaan dadka soomaalida yahiin kuwo wax tacliin ah laheyn. Wey jirtaa culeys ka imaanaya dad dalka Iswedhen imaanaya oo tacliin hoose leh laakiin arintaas ma ahan qisada keliya ee Soomalida.  Waxaa jira caruur faro badan oo imaanaya Iswedhen kuwaas wax lagu baro iskuulada Iswedhen. Marka waxaa loo baahanyahay in la sheego guulaha ay gaareen soomalida Iswedhen, waayo waa sida keliya ee lagu badeli karo sawirka, ayuu yeri Erik Ullenhag wasiirka is-dhexgalka Iswedhen.  

Kaalinta Safaarada Mareykanka

Waxaa sidoo kale kulanka ka qayb galay oo qodbad ka jeediyey marti sharaf uu kamid ahaa ambassidoorka Mareynkan u fadhiyan Iswedhen Mark Brzezinski iyo weliba fanaanka caanka ah Jason Diakité balse caanka ku ah magaciisa artisnimo ee Timbuktu.

Safaarada mareykanka iyo hayadda British Cauncil ayaa kaalin ka qaadatay maalgelinta kulanka dhallinyarada soomaaliyeed ee waqooyiga Yurub. Safiirka mareykanka Marka Brzezinsk ayaa sheegay in maamulka Obama uu ahmiyad gooniya siinayo kulmada noocaan ah ee dhallinyarada, madaamada dhallinyarada caalamka maanta uusan jrin xad kalo xira balse ay kulmiso tecknooliyada iyo xiisahoda, taas oo isbadel aduunka u soo jiidey. "Ma tahiin keliya hogaamiyaasha mustakhbalka ee waxaad tahiin hogaamiyaahsa maanta"ayuu ku yeri ambaasidor Mark Brzezinski soomaalidii halkaa iskugu timid.

Ambaasidor Marka Brzezinski oo sharaxyey sababta ay Amerika u xiiseyneyso kulanka dhallinyarada Soomaliyeedna ayaa waxuu yeri sida tan.

- Sababta oo ah qurbo joogta soomalida ma ahan kuwo ku sugan gobal keliya balse waa qurbojoog caalamiya. Anaga dalkeena waxaa jooga qurbajoog faro badan oo soomaliya. Mar aan raacey booqasho ay ku tageen Mareykanka gaar ahaan gobolka Menisota boqorka iyo boqorada Iswedhen, waxaan ka yaro leexday jadwelka booqashada si aan ula kulmo wakiilada qurba joogta soomalida Minnesota si aan uga barto waxa u shaqeeyey iyo waxa aan u shaqeynin halgenkkoda la xiriira dhexgalka iyo kamid ahaanshaha bulshada Minnesota. Qurbojoogta soomaalida ma ahan kuwo meel maran jooga balse waa kuwo kamid ah xiriirka caalamka. Waxaana jira qurbojoog soomaaliyeed oo xoog leh, qaalina ah oo sidoo kalena  ku sugan dalkaan Isweedhen. Marka in la fahmo halgenkooda iyo fursadahooda, la'lana shaqeeyo inta ay si guul ah u dhexgalayaan bulshada Yurub iyo Iswedhen waa wax aan rabno in aan gacan ka geysano, ayuu yeri Ambaasidor Mark Brzezinski.

Shakiga Soomaalida

Laakiin xasaasiyada ay qaar kamid ah dadkii meesha yemid qabeen taageerada Mareykanka iyo xiisaha uu u hayo kulanka dhalliyarada soomaalida waqooyiga Yurub ayaan ayana meesha ka maqneyn. Balse Jihan Moxamed ayaa la yaaban in dadku ka shakiyaan taageerada Mareykanka. 

- Dadka waan la yaabaa in ay ka sha-shakinayaan! Madaama ay isleeyahiin maxaa ka galay Mareykanka iyo Briten Soomaalida. Laakiin Soomaalida way deganyahiin Briten, weyna ka buuxaan, waana ka tiro badanyahiin dadka Iswedhen degan, Mareykana sidaas.  Qofta ah gudoomiyaha Leadership Foundhdation madaama ay tahay Mareykan degan Norwey ayey kontaktiga ay leedahay u isticmaashey si aan u helno caawinaada aan u baahanahay, ayey tiri.

Lisa Cooper qanqaabiyaha kulankii Nordic soomali Summit ayaa kula talineysa dhallinyarada soomaalida in ay isku kalsoonaadaan, helaan qofkii ay ku dayan lahaayeen, wabarashana sameystaan si ay ugu sahlanaanto is-bedelka ay doonayaan.

                                                                     Warsame.elmi@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".