Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Wacdarro iyo heeso lagaga bannaan-baxay dilkii Koonfur Afrika ka dhacay

La daabacay tisdag 11 juni 2013 kl 19.46
Fartuun: Dadka qaar ayaa i weeydiiyey ninka la diley yuu ahaa qabiilkiisa
(10 min)
Soomaali bannaan-bax ku sameeysay xarunta safaaradda Koonfur Afrika ee Iswiidhen. Sawirle: Kenadid Mohamed

Galabta ayuu magaalada Istockholm ka dhacay bannaanbax looga soo hor-jeedo dilalalka lagula kaco ajaaniibta qaasatan soomaalida ku dhaqan dalka Koonfur Afrika, bannaan-baxaasina oo lagu dhigay barxadda hor-dhacda xarunta safaaradda Koonfur Afrika ku leedahay dalka Iswiidhen.

Fartuun Axmed Xaashi oo ka mid ahayd soo abaabuleyaashii bannaan-baxa oo aan wareeysi goobtaa kula yeelanay ayaa noo sheegtay iney ka bannaan-baxayaan wax ay ugu yeertay Xenophobia oo macnaheedu tahay neceeybka ajaaniibta. Iyada oo dhanka kale muujisey fikir ah in qurba-joogta soomaalida iska daayaan kala faqooqnaanta iyo meesha xun ee wax laga dayo, balse ey buuxiyaan kaalintii dawladda ee difaaca bulshadeeda oo meesha ka maqan, maadaama ey bulshooyinka kale ee waxyeelooyinka loo geeysto ey leeyihiin dawlado difaaca:

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".