Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Digniin Muhiim ah : Warshad ku gubatey Örnsköldsvik ayaa qiic badani ka baxayaa ee dadka aagaas daganow ka taxadara.

Dooddii baarlamaanka oo hadda socota

La daabacay onsdag 12 juni 2013 kl 09.31

Waxaa saaka sagaalkii subaxnimo ka bilowday baarlamaanka dooddii ay hoggaamiyayaasha xisbiyadu uga doodayeen xaaladda dalku ku sugan yahay. Dooddaas oo qaadan dooneysa shan saac waxaa ka mid ah waxyaalaha laga doodi doono shaqala’aanta dalka ka taagan, xaaladda dhaqaale ee dalku ku sugan yahay iyo xisbiyada ku talajira in ay mustaqbalka isla dhisaan dowlad wadajir ah.

Waxaan doodda ka qaybqaadanayn hoggaamiyaha xisbiga Sooshiyaal-dimoqraadiga Stefan Löfven maadaama uusan xubin ka ahayn baarlamaanka. Waxaase booskiisa ka doodi doona Mikael Damberg oo ah guddoomyaha kooxda baarlamaanka ugu jirta xisbiga. Xisbiyada ku mideysan dowladda hadda dalka ka dhisan oo xisbiga Mooderaatku ugu madax taagan yahay ayaa dalbaya in xisbiga Sooshiyaal-dimoqraadigu jawaab cad ka bixiyo xisbiyada uu doonayo in uu dowlad la soo dhiso haddii uu ku guuleysto doorashada soo socota. Dooddaas baarlamaanka ku dhexmareysa hoggaamiyayaasha xisbiyada waxaa toos looga la socon karaa idaacadaha iyo telefishanada dalka qaarkood. Gadaal ayaa idinku gudbin doonaa barnaamij faahfaahsan oo ku saabsan doodda baarlamaanka.

Isha: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".