Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Kaalmo dhaqaale oo la qaato iyadoo dalka laga maqan yahay

La daabacay onsdag 12 juni 2013 kl 10.10
Sawirle: Scanpix. Montage: Sveriges Radio.

Hay’adda caymiska bulshadu waxay hadda adeegsanayaa liiska ardayda dhigata dugsiyada dalka si loo hubsado in qoysaskoodu dalka ku nool yahay, iyo in la qaato kaalmo dhaqaale oo sharci-darro ah. Sidaasna waxaa qoray wargeyska maalinlaha ah ee DN.

Lacagta waxay badanaaba ku saabsan tahay kaalmada dhaqaale ee carruurta, laakiin waxaa kaloo ka mid noqon kara kaalmada lagu kabo kirada, kaalmada waalidka ilmo dhowaan dhashay guriga la jooga iyo lacagta loo bixiyo masruufka uusan waalidka kale bixin karin.

Sannadkaan saddexdii bilood oo ugu horreeyey waxay hay’adda caymiska bulshadu 170 dhacdo ku joojisey bixinta kaalmooyin dhaqaale ama ay dalabtay in lacago la qaatay dib loo soo celiyo. Waxay kaloo boliiska u gudbisay 41 dacwo oo ku saabsan dad lagu tuhunsan yahay in ay khiyaamo ku qaateen kaalmo dhaqaale.

Isha: DN

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".