Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Hooyo maxkamad ku dacweysey dowladda Iswiidhen

La daabacay onsdag 12 juni 2013 kl 10.40
Sawirle: Karin Olsson-Bendix/Sveriges Radio

Carina Höglund oo hooyo u ah gabadha lagu magacaabi jirey Engla Höglund oo la dilay sannadkii 2008 ayaa ruqsad ka heshay maxkamadda rafcaanka in dacwaddeeda dib loo baaro. Sidaas waxaa soo weriyey Wakaaladda wararka ee TT.

Sannadkii hore ayey ahayd markii ay maxkamad ku dacweysey dowladda Iswiidhen maadaama ay u aragtey in ninkii dilay gabadheeda oo lagu magacaabo Anders Eklund la qaban karay xilligii uu magaalada ku diley Pernilla Hellgren oo ahayd sannadkii 2000 haddii ay boliisku dabagal ku samayn lahaayeen wararkii ay ka heleen dadweynaha.

Dacwaddii ay horgeysey maxkamadda degmada ayey hooyadani ku guuldarreysatay, laakiin rafcaan ayey ka qaadatay. Sidaas darteed ayey maxkamadda rafcaanku u go’aamisay maalintii isniinta in arrinteeda dib loo furo.

Isha: TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".