Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Kalkaaliye caafimaad la’aan ba’an oo taagan xilligaan kuleylaha

La daabacay onsdag 12 juni 2013 kl 12.22
Sawirle: Maria Loewen/P4 Väst

Waxaa xilligaan kuleylaha tobankii qaybood oo ku yaal goobaha caafimaadka lix ka mid ah si ba’an uga jira kalkaaliye caafimaad la’aan. Sidaasna waxaa qoray Wakaaladda wararka ee TT.

Waxaa kaloo lagu qiyaasay in kalkaaliyayaasha caafimaadka oo takhasuska leh ay toban meelood oo afar meel ka jirto baahi aad u weyn. Waxaa kaloo baahi weyn ka jirtaa ummulisooyinka iyo kalkaaliyayaasha qaybaha raajada. Taasina waxay keeni kartaa in badbaadada dadka bukaanka ah ay aad u xumaato inta lagu gudajiro xilliga kuleylaha ee sannadkaan 2013. Sidaasna waxaa ka dhawaajiyey ururka shaqaalaha caafimaadka.

Ururka shaqaalaha caafimaadku wuxuu ka digay in xaaladda badbaadada bukaanka ee saddex qaybood oo isbitaalada ka mid ah ay aad u soo xumaaneyso. Waxaanse caddayn xaaladaha ay ku sugan yihiin goobaha daryeelka caafimaadka gaarka loo leeyahay maadaama ay maamulaan shirkado badan oo kala geddisan.

Isha: TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".