Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Dab ka kacay nawaaxiga Kronåsen ee Sollentuna. Daaqadaha iyo albaabada in la xirto ayaa la is fareyaa.

Soomaalida oo ka bannaanbaxdey tacaddiga lagu hayo reer K Afrika

La daabacay onsdag 12 juni 2013 kl 16.28
"Isticmaarkii caddaa ayaantuu idin heysan jirey aad bey noo gubi jirtey"
(6:16 min)
Bannaan-bixii reer Iswiidhen ee safaaradda Koonfur Afrika. Sawirle: Kenadid Mohamed

Labadii toddobaad ee ugu dambeeyey ayey si is-daba joog ah uga dhacayeen bannaan-baxyo waddammada kala duwan ee caalamka, kuwooda ey ku dhaqan yihiin soomaalida iyo dalka gudihiisiiba. Waana mid ey la qabeen soomaalida ku dhaqan dalkan Iswiidhen oo galab-nimadii salaasada bannaan-bax ku dhigey safaaradda Koonfur Afrika u matasha dalkan Iswiidhen:

Sida aad codkaaba ku maqleeyseeen waxaa faras-magaalaha Istockholm barxadda ka soo hor-jeedda xarunta safaaradda Koonfur Afrika ay ku leedahay dalkan Iswiidhen caasimmadiisa Istockholm, ka dhacay galabnimadii salaasada bannaan-bax ey abaabulkiisa iyo ka qeyb-galkiisaba lahaayeen soomaali u badneyd dhallin-yaro dumar, haween iyo dhallaan. Bannaan-baxaasina oo looga soo hor-jeedey dilkii foosha xumaa ee dalka Koonfur Afrika loogu geeystey nin soomaaliyeed, iyadoona lagu diley dhagax, harraanti iyo feer aan arxan lahayn. Fartuun Axmed Xaashi oo ka mid ahayd soo qaban-qaabiyeyaashii bannaan-baxa ayaa sheegtay mar ay akhrinaysay ereyo ku wajanhaa saraakiisha safaaradda Koonfur Afrika uu dalkan ku leeyahay iney soomaalida iswiidhishku ka soo hor-jeedaan waxa ay ugu magac-dartay "Xenophobia" oo macnaheeduna tahay naceeybka dadyoowga ajaaniibta ama kaa duwan. Ereyadeediina waxaa ka mid ahaa:

Iyada oo wixii ka dambeeyey burburkii Soomaaliya oo dadyoow badan ee soomaali ahi nolol ka doonteen dalka Koonfurta Afrika ayey kala soo gudboonaadeen dhac, jir-dil, dilal qudha lagaga jaro iyo wixii la mid ah, hase yeeshee dhacdadan ugu dambeeysay ey kaga duwaneeyd iyada oo filim laga qaadey kolkii falkaasi uu dhacayey, isla-markaana lagu baahiyey bogagga aaladda internetka. Waana midda hor-seedey in soomaalida qurba-joogta iyo dalka gudihiisiiba ey ku dhaqaaqaan tallaabo aan horay looga baran:

Soomaalida isugu soo baxdey bannaan baxa oo la oran karo waxey tiradoodu gaarsiisneyd illaa iyo dhowr boqol, inkastoo aaney mar qura wada iman ayuu dareenkoodu kac-sanaa iyaga oo ku dhawaaqayey ereyo ey ka mid ahaayeen Koonfur Afrika ha dhacdo, Xenophopia dooni meyno iyo wixii la mid ah.

Dhanka kale ayaa marar badan la is-xasuusinayey taageeradii uu shacabka soomaaliyeed u fidin jirey dalka Koonfur Afrika muddadii uu ku hoos jiray nidaamkii midab-takoorka, isla-markaana uu dalka Soomaaliya ka jiray maamul iyo kala dambeeynta. Farxiya xaaji xuseen ayaa gabay middaa ku cabirtay.

Sidoo kale ayaaney bannaan-baxa ka maqneyn dhallaan iyaguna fikirkooda ku cabirey bannaan-baxa ey soomaalidu ku sameeysey safaaradda Koonfur Afrika, iyadoona looga cabanayey dilalka lagu hayo soomaalida ku dhaqan dalka Koonfur Afrika. Fartuun Axmed Xaashi ayaa gabagabadii hadalkeeda su'aal ugu gudbisay saraakiisha safaaradda Koonfur Afrika iyada oo ilmeeynaysa. Weeydiiseyna:
-Waa maxay sababta aad noo neceb tihiin, miyeeydaan og-sooneyn in dadkani bannaan-baxayaa yihiin dhallaankii shacabkii iyo dawladdii soomaaliyeed ee muddadii uu dalkiinnu ku jirey gumeeysiga midab-takoorka u istaagay inuu taageero idinla garab istaago dhan walba ah. Haddey noqon lahyd siyaasadda, dhaqaalaha iyo dagaalkaba?

                                                                          kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".