Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Baahi weyn ayaa jirta guryaha la kireysto

La daabacay onsdag 12 juni 2013 kl 17.03
Sawirle: Sara Hector/Sveriges Radio

In ku dhow boqolkiiba sagaashan degmooyinka dalka waxaa jira baahi weyn oo loo qabo guryaha la kireysto. Dhanka kale guryaha kale oo la dego ayey xaaladdoodu xasilloon tahay degmooyin badan. Sidaasna waxaa lagu muujiyey baaritaan ay samaysay hay’adda guryaha.

Laakiin ururka dadka fiilooyinka leh wuxuu qabaa in ay taasi tahay sawir qalad ah, iyo in ay iska caddahay in sicirka fiilooyinka iyo guryaha kale oo gaarka loo leeyahay uu cirka isku shareeray 15kii sano oo ugu dambeysey.

"Waa wax laga argagaxo in ay maamulada degmooyinku badankood sheegaan in aan loo baahnayn dhisidda guryo yaryar. Sidaasna waxaa qoray Daniel Liljeberg oo madaxa waaxda dhaqaalaha ururka dadka fiilooyinka leh.

Maamulada magaalooyinka Göteborg, Malmö, Lund iyo degmooyin badan oo ka tirsan gobolka Stockholm waxay ku doodaan in ay baahi ka jirto guryaha la kireysto oo qura, siiba kuwa qolal yar ka kooban ama kuwa raqiiska ah oo ay aadka ugu baahan yihiin dhallinyarada iyo dadka qaxootiga ah.

Waayeelka ayaa ka mid ah dadka kale oo ay ku adag tahay in ay helaan guryo iyaga ku habboon. Waxaa kaloo jira qoysas carruur badan oo baahi weyn u qaba in ay helaan guryo kiro ah. Sidaasna waxaa laga soo xigtay hay’adda guryaha.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".