Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Baarlamaanka Midowga Yurub oo aqbalay hindisihii magangelyo-doonka

La daabacay onsdag 12 juni 2013 kl 16.55
Cecilia Malmström. Sawirle: Ulf Palm/Scanpix/

Hindisihii ballaarnaa oo ku saabsanaa arrimaha dadka magangelyo-doonka ah ayaa baarlamaanka Midowga Yurub aqbalay maanta oo arbaco ah. Waxaa hindisahaan sanooyin badan u soo dagaalameysey in la meelmariyo Cecilia Malmström oo ah wakiilka Iswiidhen u fadhiya baarlamaanka EU.

"Wax adag ayey ahayd in aan halkaan soo gaarno, laakiin hawshu weli ma dhammaystirna. Hadda waxaa na sugaya shaqo adag oo ah in aan dhaqangelinno xeerkaan cusub, iyo in aan hubinno in xeerkaan si wanaagsan oo isku mid ah looga hirgeliyey meel walba ", sidaasna war rasmi ku faafisay Cecilia Malmström.

Xeerarkaan cusub waxaa ka mid ah in la xaddido waqtiga uu qaadanaayo wax ka qabadka codsiyada ay soo gudbiyaan dadka magangelyo-doonka ah.

Isha: TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".