Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Galmada lala sameeyo xoolaha oo la mamnuucey

La daabacay torsdag 13 juni 2013 kl 10.18
"Shabakado internet ah oo suurtogelinaya la galmoodka xayawaanka"
(2:52 min)
Xuquuqda xoolaha iyo ammaankooda oo la adkeeyey. Sawirle: Aila Stefansdotter-Franck

Dalka Iswiidhen ayaa laga mamnuuci doonaa falalka galmada ee lala yeesho xayawaanka waxa lagu magacaabo (tidelag) wixii loo gaaro koowda bisha jannaayo ee sannadka foodda innagu soo haya 2014.

Xeerka mamnuucaya galmada lala sameeyo xoolaha ayaa dalkan horay uga jirey wixii ka horeeyey sannadkii 1944, iyada oo wixii sannadkaa ka dambeeyey la burburiyey xeerkaasi, si looga hor-tago faqooqa noocyada kala duwan ee galmada si aan loo dembiyeeyn.

Xeerka maanta jira ee difaaca xoolaha ayaa qabanaya oo keliya galmada waxyeelooyinka oogada iyo maskixiyanta ah u geeysaneya xoolaha, kuwaasina oo ey adag yihiin sidii lagu caddeeyn lahaa.

Xeerkan dib loogu mamnuucayo falalka noocaasiya ayaa la xiriira fikir xeereed gacanta loo geliyey dawladda ee ilaalinta xuquuqda xoolaha. Dhanka kale waxaa kor loo qaadey ciqaabta falka ka dhanka ah xeerka xaq-dhowrka xoolaha. Iyo midka ah galmada lala yeesho xoolaha oo la gaarsiiyey ganaax iyo ugu badnaan laba sannadood.

Su'aasha la xiriirta xeerkan ayaan ahayn mid uu khilaaf ka taagnaa iyada oo ey isku raac-san yihiin dhammaan xisbiyada xubnaha ku leh xil-dhibaannada baarlamanka, xitaa haddii ey markii hore xisbiyada mucaaradka ee casaan cagaarka iyo Scerige demoqoraadigu ey cod ku marsiiyeen baaritaankii fikirka. Halka uu wasiirka beeraha Eskil Erlandsson (C) uu horay amuurtaa uga hadlay.

                                                                            kenadid.mohamed@sr.se

Fråga
Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".