Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Weli ma cadda in Iswiidhen ciidamo u direyso Buuraha Golan

La daabacay torsdag 13 juni 2013 kl 12.51
Sawirle: Menahem Kahana/Scanpix.

Iswiidhen weli go’aan kama gaarin in ay ciidamo ku biirineyso ciidamada nabad-ilaalinta Qaramada Modoobey oo loo yaqaan Undof, kuna sugan aaggaga u dhow xadka Buuraha Golan.

- Weli halkaa ma gaarin. Waxaan hadda ku hawllanahay sidii aan arrintaas u eegi lahayn iyo sidii aan wadatashi ula samayn cidda ay khuseyso. Sidaas waxaa idaacadda Ekot u sheegay wasiirka arrimaha Carl Bildt.

Qaramada Midoobey ayaa Iswiidhen kala soo xiriiray haddii ay diyaar u yihiin ciidamo u diraan aaggaas.Laakiin Iswiidhen weli wax jawaab ah kama bixin.

– Waxaan u malaynayaa in ay la xiriireen dalalka kale ee waqooyiga Yurub dhaca. Haddase waxaan ku jirnaa in aan arrinta marka hore lafagurno. Mabda’ ahaan mar walba oo nala weyddiiyo su’aal dhab, jawaab dhab ah ayaan ka bixinnaa. Hadda waxaa wadatashi kula jirnaa dalalka kale. Sidaasna waxaa yiri Carl Bildt.

Wuxuu kaloo sheegay in uusan iska indha-tireyn in xaaladda ammaanka aaggagaasi ay soo xumaatay. Khatarta ka iman karta in ciidamadayadu halkaas ku sugnaadaan ayaa waxa ugu weyn oo aan miisaanka saareynno marka aan go’aanka ka gaareynno in aan ciidamo direynno iyo in kale.

- Waa run oo khatarta ka iman karta waa mid micne weyn noogu fadhida.

Isha: SR/TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".