Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Dad lagu xukumay dembiyo galmada la xiriira oo dugsiyada ka shaqeeya

La daabacay torsdag 13 juni 2013 kl 14.58

Xoghayaha guud ee urur lagu magacaabo Friends oo 97 qof ku ashtakeeyey Hay’adda kormeerka dugsiyada. Baaritaan uu wargeyska DN sameeyey waxaa lagu ogaaday in dadkaan 97 qof ahi ay horay u galeen oo loogu xukumay dembiyo la xiriira galmada laakiin hadda ay ka shaqeeyaan dugsiyada dhallaanka wax lagu baro.

”Waa wax aan la aqbali karin”, ayuu war-saxaafadeed ku yiri xoghayaha guud ee ururka Friends Lars Arrhenius. Wuxuu intaas ku daray: ”Waa wax iska cad in dadkaan lagu sameeyo baaritaan ".

Friends iyo Arrhenius waxay ku talinayaan in khasab laga dhigo in dugsigu ay dadka u shaqeeya ka dalbadaan in ay sannad walba soo gudbiyaan warqad nuqul ah oo laga guuriyey diiwaanka guud ee dembiyada.

Isha: DN

Ururka Friends

Waa urur samafal oo ku hawllan ka hortagga dhibaatooyinka dhallaanka loo geysto. Wuxuu dhammaan dugsiyada, xarumaha xannaanada carruurta iyo naadiyada isboortiga dalka ka qabanqaabiyaa aqoon-kororsi iyo taageerooyin. Hadafka ururkuna waa in la gaari bulsho ay dhallaanku ku haystaan ammaan iyo caddaalad.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".