Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Dowladda Iswiidhen oo ku talajirta joojinta macaawinada la siiyo Falastiin

La daabacay fredag 14 juni 2013 kl 10.18
Wasiiradda macaawinada dibedda Gunilla Carlsson. Sawirle: Scanpix.

Dowladda Iswiidhen oo ay wakiil ka tahay wasiiradda kaalmada dibedda Gunilla Carlsson waxay ku talojirtaa in ay dib uga fiirsato in la joojiyo macaawinada dib-u-dhiska oo loogu deeqo dhulka ismaamulka Falastiin ee Gacanka Galbeed iyo Qasa.

Lacagta lagu talajiro in la joojiyo waxay dhan tahay 200 milyan oo karoon. Waxayna qayb ka tahay lacagta ay Iswiidhen sannad walba ugu deeqo Falastiin oo gaareysaa 700 milyan oo karoon.

Gunilla Carlsson ayaa sheegtay in ujeeddada macaawinada ay Iswiidhen siiso dhulalka Falastiin ay tahay in lagu xoojiyo dadka Falastiin kolka ay ka qaybqaadanayaan wadahadallada ku saabsan xalka in la helo laba dowladdood oo xor. Haddii lagu guuleysan waayo wadahadallada nabadda waxaa kolkaa isbeddelaya aragtida laga ambaqaadayo. Sidaas awgeed ayey Gunilla Carlsson u dooneysaa in la joojiyo 200 oo milyan oo karoon oo sannad walba loo siiyo dhismaha adeegga bulshada oo ay ka mid yihiin biya-gelinta iyo xoogga korontada.

- Ma doonayo in aan ku gorgortamo mucaawinada ay Iswiidhen bixiso, laakiin waxaan arrintaan ka eegayaa xagga dadka canshuurta bixiya. Waayo waxay naga sugayaan natiijo. Haddii aysan noo muuqan sababo natiijo lagu gaari karo, kolkaas waxaa nagu waajib ah in aan cawaaqibkeeda dusha u ridanno. Ma macquul baa inaan isku daynno dhisidda fursado lagu abuuro laba dowladdood haddiiba aysan Israaiil iyo Falastiin midkoodna dooneyn in ay isku soo horfariistaan miiska wadahadallada?

Dhanka kale waxaa hindisahaan dhaleeceyn u soo jeediyey xisbiyada mucaaradka ah, siiba xisbiga Bidixda iyo Sooshiyaal-dimoqraadiga.

Isha: Ekot

abdikani.kadawo@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".