Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Ciqaab ayey mudaneysaa ciddii shaqaaleysa dadka sharci-darrada

La daabacay fredag 14 juni 2013 kl 10.49
Aqalka baarlamaanka Iswiidhen oo lagu magacaabo Riksdagen. Sawirle: Scanpix.

Baarlamaanka Iswiidhen ayaa shalay go’aamiyey in la ciqaabo ciddii shaqaaleysa dadka sharci-darrada ku jooga dalka. Shaqa-bixiyihii lagu helo in uu shaqaaleeyey qof sharci-darro ku jooga dalka wuxuu muuteysan doonaa in lagu xukumo ganaax ama xabsi ilaa hal sano ah. Waxaa kaloo halkaa lagu waayi karaa kaalmada iyo deeqaha laga helo hay’adaha dowladda.

Laakiin sida sharcigu qorayo haddii qof sharci-darro ahi shaqeeyo, waxaa cidda uu u shaqeeyo waajib ku ah in ay siiyaan mushahar xaq ah muddadii uu u shaqaynayey.

Haddiise ay labada dhinac heshiin waayaan, waxaa kolkaas la raacayaa xeerka ugu yaraan saddex bilood oo shaqo ah oo lagu qaato mushaharka ugu yar ama xeerka ka yaal heshiiska xirfaddaas.

Sharciyadaan cusubi waxay dhaqangelayaan 1da Agoosto ee sannadkaan. Waxaa kaloo jiri doonaa xeerarka gaar ah oo ku saabsan waajibaadka saaraan shaqa-bixiyaha kireysta shirkad kale.

Isha: Ekot

abdikani.kadawo@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".