Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Dab ka kacay nawaaxiga Kronåsen ee Sollentuna. Daaqadaha iyo albaabada in la xirto ayaa la is fareyaa.

60 sano jir loo xiray dembi dhacay 25 sano ka hor

La daabacay fredag 14 juni 2013 kl 14.28
Sawirle: Scanpix. Montage: Sveriges Radio.

Haweeney 60 jir ah ayaa maanta xabsiga loo taxaabay iyadoo si xooggan loogu tuhunsan yahay in ay gashay dembi dil ah oo ka dhacay xaafadda Husby muddo hadda laga joogo 25 sano. Waxaana la helay caddaymo cusub oo ku dhisan raadad jinsiga DNA oo la helay.

Haddii qofkaan dumarka ah la xukumo waxay noqoneysaa dacwad dil ah tii ugu da’ weyneed oo Iswiidhen lagu guuleysto.

Gu’gii sannadkii 1988 ayaa nin ay da’diisu meeldhexaad tahay oo toorriyeyn lagu dilay laga dhex helay guri ku yaal xaafadda Husby oo dhacda waqooyiga Stockholm.

Dilkaan Husby ka dhacay waxay ahayd in la buriyo gu’gii la soo dhaafay, laakiin dilka ayaa xeerkaas laga saaray kadib markii uu dilkii raysalwasaarihii Palme ku soo dhowaadey waqtigii la burin lahaa oo ku aaddaneyd 25 sano kadib markii dilku dhacay.

Koox boliis ah oo lagu magacaabo Kalla Fall oo dhowaan loo aasaasay in ay baaritaano cusub ku sameeyaan falalka dilka oo waqtiyo hore dhacay ayaa hadda la wareegay dacwaddaan.

abdikani.kadawo@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".