Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Dhallinyaro lagu xukumay in ay koox ahaan gabar u kufsadeen

La daabacay fredag 14 juni 2013 kl 16.07
Maxkamadda degmada Solna. Sawirle: Christine Olsson/Scanpix

Maxkamadda degmada Solna ayaa ku xukuntay qaar badan oo ka mid ah dhallinyaradii lagu eedeeyey in ay koox ahaan ugu kufsadeen gabar 15 jir xaafadda Tensta. Shan ka mid ah dhallinyaradaasna waxaa lagu xukumay in ay geesteen kufsi aad u xun, halka kan lixaad lagu xukumay isku day kufsi aad u xun.

Afar ka mid ah shanta wiil oo la xukumay ayaa qirtay in ay galmo la sameeyeen gabadhaas mar qur ah, laakiin waa ay diiddan yihiin ay galeen wax dembi ah.

Waxaa wax walba diiddan wiilka 16 sano jirka ah oo lagu tilmaamay in uu hormuud ka ahaa wixii dhacay. Habeenkaas intii uusan kufsigu dhicin ayuu wiilasha kale u qaybiyey cinjiro ama kondomyo.

Labo wiilashaas ka mid ah waxay da’doodu ahayd 15 sano, halka ay ka ugu weyn da’diisu ahayd 17 sano.

abdikani.kadawo@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".