Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Dab ka kacay nawaaxiga Kronåsen ee Sollentuna. Daaqadaha iyo albaabada in la xirto ayaa la is fareyaa.

Soddomeeyo iswiidhish ah oo Suuriya ka dagaalamaya

La daabacay måndag 17 juni 2013 kl 09.32

Waxaa jira in ku dhow 30 qof oo jinsiyadoodu iswiidhish tahay oo hadda qaybaqaadanaya dagaalka lagu la dagaalamayo xukuumadda Assad ee Suuriya. Raadiyaha Iswiidhen ayaa la hadlay mid ka mid ah dadkaas oo degaan ahaan ka soo jeeda Göteborg. Ninkaas oo lagu magacaabey Bilaal wuxuu halgan ugu jiraa sidii Suuriya loogu xukumi lahaa shareecada islaamka.

Waxaase hadda baaq soo saaray koox mucaaarad ah oo ka dalbaneysa dhammaan dagaalyahanada ajnebiga ah ay dalka isaga baxaan. Beryihii dambe waxaa kaloo shaacbaxay in ururka Xisbullah uu dowladda Suuriya uu dagaalmayey iyo in dagaaalyahanadaan ajnebiga ay geesteen dembiyo dagaal oo foolxun.

Idaacadaha Ekot iyo P1 Nyheter ayaa baaritaan ku sameeyey habka dadka iswiidhishka ah loogu qalqaaliyo in ay ka qaybqaataan dagaalka Suuriya. Weriyayaasha idaacadahaan ayaa wareysi la yeeshay Bilaal. Wuxuu kolkaas u sheegay in uu laga soo bilaabo bishii Noofember ee sannadkii hore u dagaalamayey koox dagaalyahanno ah oo taabacsan ururka Al-Qaacida, iyo in uu ku riyoonayo in uu dagaalka Suuriya ku dhinto oo halkaas shahiid ku noqdo.

- Iswiidhen kuma soo noqon doono, haddii Eebbe oggolaado. Waxaan ku talajiraa in aan halkaan shahiid ku noqdo.

Waxaa la weyddiiyey sida reerkiisa iyo asaxaabtiisu u arkaan go’aankiisa. Wuxuuna ku jawaabay:

- Waxaan mar walba u sheegaa in ay halkaan yimaadaan. Iyagu waxba iima sheegaan ee anigaa ku iraahda halkaan kaalaya.

Wiilkaan oo aan magaciisa runta ahi ahayn Bilaal wuxuu hadda Suuriya ka dagaalamayey muddo toddoba bilood ah. Wuxuuna ka tirsan koox dagaalyahanno oo lagu magacaabo Jabhat al-Nusra oo gacansaar la leh ururka Al-Qaacida. Waxay kooxdani dagaal kula jirtaa cid walba: dowladda Suuriya, ururada mucaaradka ah oo nidaamka dimoqraadiayadda taabacsan.

Mar la weyddiiyey waxa ay hawshiisu tahay, wuxuu ku jwaabay:

- Waxa aan qabtaa waa kala duwanaan karaan oo waxaa naloo diraa meelo kala geddisan. Marmar waxaa la ii diraa in aan tababar siiyo dagaalyahannada cusub. Marmarna amniga ayaa ka shaqeeyaa.

Dagaalka Suuriya oo muddo socday ayaa hadda weji kale yeeshay kadib markii ku soo biireen kooxo xagjir ah. Dhanka kale kooxahaas iyo Ciidamada Suuriyada xorta ah waxaa ku yimid dhabarjab kadin markii uu ururka Xisbullah oo Lubnaan ka yimid uu dagaalka ku soo biiray isagoo la safan dowladda Suuriya.

Isha: Ekot/P1 Nyheter

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".