Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Gabadhii feeryahanka ahayd oo soo miyirsatay

La daabacay måndag 17 juni 2013 kl 09.55
Sawirle: Leo Sellén / Scanpix

Gabadha feeryahanka iswiidhishka ah oo magaceeda la yiraahdo Frida Wallberg ayaa hadda miyirkii ku soo noqday kadib markii ay la suuxday dhiig uga furmay maskaxda oo ka soo gaaray tartan feer oo ay jimcihii la soo dhaafay la gashay gabar ka socota Awstaraaliya.

Waxaa nin ay xiriir wadasocosho leeyihiin laga soo xigtay in ay xaaladdeedu hadda wanaagsan tahay oo ay ka soo rayneyso.

Dhiiggaas maskaxda uga furmay ma ahayn mid guda sii jirey ee wuxuu ka yimid xidid dusha ah oo dillaacay. Taas oo ay dhakhtaradu ku sheegeen mid yididdiilo wanaagsan.

Gabadhaan Frida Wallberg oo 30 sano jir ahi waxay ka mid tahay dumarkii isboortiga feerka heerka ugu sarreeya ka gaaray ee u dhashay dalkaan Iswiidhen. Waxay laba jeer ku guuleysatay tartanka feerka ee waqooyiga Yurub, lix marna tartano feerka oo lagu qabtay Iswiidhen. Waxay kaloo qaadday horyaalka feerka adduunka ee miisaanka fudud.

Isha: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".