Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Sifo: Xisbiyada C iyo KD oo ka gudbey xadkii baarlamaanka lagu gelayey

La daabacay måndag 17 juni 2013 kl 12.36
Sawirle: Fredrik Sandberg/Scanpix.

Haddii maanta la qaban lahaa doorasho baarlamaan waxay labada xisbi oo kala ah xisbiga Dhexe (Centern) iyo xisbiga Masiixiga dimoqraadiga ah (KD) ay ka gudbi lahaayeen xayndaabka baarlamaanka loogu gudbo oo ah in la helo boqolkiiba afar codka dadweynaha. Sidaasna waxaa lagu muujiyey baaritaan cusub oo ay sameysey shirkadda Sifo.

Isbeddelka tirakoob ahaan la hub ayaa ah in xisbiga KD uu kordhay 1.4, taas oo u dhiganta in uu heli lahaa boqolkiiba 4.1 codka dadweynaha. Xisbiga Dhexe wuxuu hoos u 0.1, taas oo siin lahayn boqolkiiba 4 codka dadweynaha.

Dhanka kale xisbiga Sooshiyaal-dimoqraadigu wuxuu dib u noqday 1.8. Taas oo u dhiganta in Stefan Löfven uu heli natiijadii Mona Sahlin ay heshay doorashadii 2006. Baaritaanka waxaa kaloo lagu muujiyey in codka uu xisbiga Dooggu heli lahaa ay soo korodhay halka uu xisbiga Bidixdu lumiyey cod-bixiyayaal.

Isha: Expressen, Svd

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".