Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Cudurka shinnida la qaado oo Iswiidhen ku soo kordhaya

La daabacay måndag 17 juni 2013 kl 13.57
Sawirle: Erlend Aas/Scanpix.

Tirada shinnida ayaa labaatankii sano oo ugu dambeysey dalka si xooggan ugu soo kordheysey. Kororkaas waxaa xataa laga dareemay waqooyiga Iswiidhen. Sidaas awgeed ayey dhacdooyinka cudurka TBE oo shinnida laga qaado u soo kordhayeen. Laga soo bilaabo 1990 waxaa shan-jibbaarmay tirada dadka cudurkaas la xanuunsada. Sannadkii hore waxaa cudurkaas la xauunsaday dad gaaraya 288 qof.

In kastoo ay hadda dad badani iska tallaalaan cudurkaas, ayaan haddana la ogeyn sababta faafidiisu u sii kordheyso.

Cudurka TBE lama daaweyn karo, laakiin waxaa looga hortegi karaa in la istallaalo. Mid ka mid ah saddexdii qof oo uu ku dhaco cudurka TBE, wuxuu helaa dhaawacyo waqti dheer jira ama joogto ah.

Isha: SVT

CUDURKA TBE

Cudurka TBE waxaa sababa fiirus ay faafiso qaniinyada shinnidu. Fiiruskani wuxuu infakshan ku ridaa maskaxda iyo habdhiska dareenwadka. Sidaas awgeed, ayaa lagu la talinayaa dadka ku nool ama ku sugan meelaha khatartu ka jirto in ay istallaalaan.

Isha: www.vardguiden.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".