Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Gaadiidka dadweynaha oo looga cabsiqabo shaqa-joojin soo foodsaarta

La daabacay måndag 17 juni 2013 kl 16.26
Maxaddada Ropsten. Sawirle: Anders Hildemar Ohlsson/ Sveriges Radio

Waxaa laga cabsiqabaa in ay shaqa-joojin ka bilaabato gaadiidka dadweynaha ee degmooyin badan, haddii ay dhaqangasho hanjabaadda shaqa-joojinta oo ay ku dhawaaqeen ururada shaqaalaha degmooyinka iyo ururka shaqaalaha oo lagu magacaabo Seko.

Haddii dareewalada basasku ay shaqa-joojin bilaabaan habeenka arbacadu soo geleyso, waxaa si aad ah looga dareemi doonaa gaadiidka basaska ka shaqeeya Stockholm, Solna, Sundbyberg, Sollentuna iyo Södertälje. Waxaa la filayaa in basaska ka dhexshaqeeya magaalada Stockholm la joojiyo gebi ahaan ama socodkooda la yareeyo.

Waxay kaloo shaqa-joojintaan lagu hanjabay ee gaadiidka basasku saamayn ku yeelan doontaa magaalada Umeå. Haddiise khilaafku gaaro gaadiidka tareenada, waxaa carqalad weyn ku imaan gaari doontaa dhammaan gaadiidka tareenada oo ka dhexshaqeeya gobolka Skåne iyo magaalada Göteborg.

Sidoo kale haddii ururka Seko ka dhabeeyo hanjabaaddiisa shaqa-joojinta ee khuseysa dhammaan gaadiidka tareenada gobolka Stockholm maalinta khamiista, waxaa kolkaas joogsan doona dhammaan tareenada SL iyo tareenada dhulka hoostiisa mara ee khadadka guduudan.

Haddii aan khilaafka wax xal ah laga gaarin, waxay dharbaaxo weyn ku noqon doontaa dhammaan dadka siyaabo kala duwan ugu safra gaadiidka dadweynaha ee qaybaha dalka oo dhan. Shirkadaha basaska ayaa iyaguna ku hanjabay in ay 24ka bishaan Juun shaqaalahooda u diidi doona in ay shaqada soo galaan meelo badan oo dalka ka mid ah.

Isha: DN Sthlm

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".