Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

LO: Waa in shaqo loo damaanadqaadaa dhammaan dhallinyarada

La daabacay måndag 17 juni 2013 kl 16.34
Sawirle: Pontus Lundahl/Scanpix

Waxaa qoraal ay soo saartay dalladda ururada shaqaalaha oo loo soo gaabiyo LO qortay in halkii shaqo ee xilliga kulaylaha ay ku soo aadeyso 22 qof. Taasina ay keeneyso in dhallinyaro badan ay bannaanka ka joogaan suuqa shaqada.

Waxaa hadda dalka ku nool dhallinyaro gaareysa 1,2 milyan oo qof oo da’doodu u dhexeyso 15 ilaa 24 sano. Waxaana xafiiska shaqada ka diiwaangeshan 55 000 shaqo xilliga kulaylaha. Taas micneheedu yahay in halkii shaqaba ay ku soo aadeyso 22 dhallinyaro ah.

Sidaas awgeed ayuu hadda ururka shaqaaluhu ugu baaqayaa dhammaan degmooyinka dalka in ay dhallinyarada u damaanadqaadaan shaqooyin xilliga kulaylaha. Tobias Baudin oo ah guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee LO ayaa arrintaan ka yiri:

- Waa in ay dhallinyarada u damaanadqaadaan shaqooyin xilliga kulaylaha, haba ugu yaraatee saddex toddobaad. Waana tallaabo fudud oo waaqici ah oo mustaqbalka horseedi karta in la dhimo shaqala’aanta ka dhexjirta dhallinyarada.

Isha: P3 nyheter

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".