Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

SL oo ka digeysa cawaaqibka weyn ee ka iman kara shaqa-joojin dhacda

La daabacay tisdag 18 juni 2013 kl 09.13
Sawirle: Ekot

Weli waxaa taagan khilaafkii u dhexeeyey ururada shaqaalaha gaadiidka iyo shaqa-bixiyayaasha. Shalay gelinkii dambe ayuu ururka shaqaalaha degmooyinku gacanta ku sayriyey hindisihii ay soo jeediyeen dhexdhexaadiyayaashu. Taas oo u muuqata in shaqa-joojin bilaaban doonto habeenka arbacadu soo galeyso saacaddu markay hal daqiiqo dhaafto saqda dhexe.

Sidaas awgeed ayey hadda SL ka digeysaa in carqalado xooggani u iman doonaan gaadiidka dadweynaha haddii ay hanjabaadda ay ururada shaqaaluhu ku dhawaaqeen oo shaqa-joojin sidaas ku bilaabato.

Digniinta ururka shaqalaaha degmooyinku waxay khuseysaa in dhammaan dareewalada basaska oo ku sugan saddex saldhig oo ku yaal gobolka Stockholm ay shaqada joojin doonaan. Taas oo keeni doonta in basas badan oo ka shaqeeya Stockholm, Solna, Sollentuna, Sundbyberg iyo Södertälje gebi ahaanba la joojin doono laga bilaabo maalinta arbacada oo bisha Juun tahay 19.

Haddii aysan inta ka horreysa dhinacyada ishaystaa heshiis gaarin wuxuu ururka shaqaalha Seko ka dhabayn doonaa shaqa-joojinta oo lagu wado in ay qaraxdo khamiista bisha Juun tahay 20. Waxaa kolkaas joogsan doona gaadiidka ay ka mid yihiin tareenka hoos mara ee khadka guduudan iyo tareenada kale oo degmooyinka Stockholm ka shaqeeya.

Isha: P4 Radio Stockholm

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".