Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Iswiidhen oo loo daayey isticmaalka tubaakada ”Snus”

La daabacay tisdag 18 juni 2013 kl 10.15
Sawirle: Thierry Charlier/Anders Wiklund/Scanpix

Waxay u badan tahay in Iswiidhen ay mustaqbalka yeelan doonto go’aanka waxyaalaha ay samaysan tahay tubaakada loo yaqaan snus. Wasiirada caafimaadka ee dalalka Midowga Yurub ayaa baaq ka soo saari doona arrintaan maalinta jimcaha ee bisha Juun tahay 24.

Golaha Midowga Yurub wuxuu doonayaa in la mamnuuco waxyaalaha tubaakada lagu daro oo ay ka mid yihiin dhir dhadhan iyo caraf u yeesha sida faniili, minti iyo laakritis. Waxaa dhadhannadaas loogu daraa in dadka lagu soo jiito, taas oo la mid ah in dadka lagu dhiirrigelinayo isticmaalka tubaakada iyo sigaarka.

Laakiin maadaama ay tubaakada nooca Iswiidhen lagu sameeyo mamnuuc ka tahay in lagu iibiyo meel ka baxsan Iswiidhen ayaa xeerkaan laga reebay Iswiidhen.

Dhanka kale dowladda Iswiidhen waxay diyaar u tahay in ay aqbasho in Midowga Yurub korka ka ilaaliso waxa lagu darayo tubaakada. Waa haddii la joojiyo mamnuucidda dhoofinta tubaakada. Ra’yigaanna waxaa gacanta ku sayriyey in ku dhow dhammaan dalalka Midowga Yurub.

Waxaa wargeyska Dagens Nyheter laga soo xigtay in dowladda Iswiidhen aysan arrintaas ku qanacsanayn, balse ay dooneyso in Golaha Midowga Yurub baaq cad ka bixiyo in aysan dooneyn in uu kontaroolo waxyaalaha lagu daro tubaakada.

Isha: TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".