Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Göran Hägglund oo ballanqaadaya ballaarinta daryeelka caafimaadka

La daabacay tisdag 18 juni 2013 kl 12.38
Wasiirka Arrimaha Bulshada Göran Hägglund. Sawirle: Kajsa Hallberg/Sveriges Radio.

Wasiirka arrimaha bulshada Göran Hägglund wuxuu ballanqaadayaa in ballanqaadka daryeelka caafimaadka la sii ballaariyo oo la xoojiyo. Wuxuu doonaya in muddo dhawr sano gudahood ah ay dhammaan baaritaanada la qaadayo iyo dib u booqashada dhakhtarada ka mid noqdaan ballanqaadka daryeelka caafimaadka.

Göran Hägglund wuxuu gaashaanka ku dhuftay dhaleeceyn uga timid Ururka dhakhaatiirka, taas oo ku saabsan in ballanqaadka daryeelka caafimaadka hadda jiraa uu bukaanka fudud ka hormariyo dadka aadka u xanuunsan.

Hase yeeshee Göran Hägglund wuxuu ku raacay in ballanqaadka daryeelka caafimaadku uusan dhammaystirnayn. Dabagal laguma sameeyo qofka bukaanka ah marka laga soo bilaabo maalintii ugu horreysey ilaa maalinta daaweynta la soo afjaro. Waxaana jira qaybo badan oo aan ku jirin ballanqaadkaas.

Wasiirka arrimaha bulshadu wuxuu hadda ururka degmooyinka iyo gobolada kala kaashanayaa sidii meel la isu la dhigi lahaa arrinta ballanqaadka daryeelka caafimaadka. Waxaana looga gol leeyahay in la sii ballaariyo si ay bukaan badan u saameyso iyo xadka waqtiga daryeelka la soo gaabiyo.

Isha: SvD

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".