Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Cudurka sonkorta oo difaac ka noqon kara kansarka borostaata

La daabacay tisdag 18 juni 2013 kl 14.52
Sawirle: Jonas Ekströmer / Scanpix

Ragga qaba cudurka sonkorta uma qaadaan kansarka borostaata si ay ragga kale u qaadaan. Sidaasna waxaa lagu muujiyey daraasad lagu sameeyey in badan 44 000 oo rag qaba cudurka kansarka borostaata oo ay soo diyaariyeen khubaro ka hawlgala jaamacadda Uppsala.

– Cudurka sonkortu wuxuu caafimaadka u leeyahay waxyeelooyin xunxun, laakiin waxaan natiijadaan ku ogaanney in cudurku leeyahay difaac waxtar leh oo looga hortegi karo cudurka kansarka borostaata. Sidaasna waxaa wargeyska UNT u sheegay caalin ka hawlgala jaamacadda Uppsala oo lagu magacaabo Björn Zethelius.

Khataraha uu yareynayo waxay noqon karaan dhammaan qaababka iyo heerarka cudurka kansarka borostaata. Waxayse aad wax uga tartaa burooyinka kansarka oo yaryar.

Daraasaddaani ma caddeyn waxa sababay xiriirka labadaan cudur, laakiin waxay khubaradu qabaan in hormoonada ku samaysma jirka qofka sonkorta qaba uusan ahayn bey’ad uu kori karo cudurka kansarka borostaatadu.

Waxaa daraasaddaan lagu soo saaray warsidaha caafimaadka wax ka qora oo af-ingiriisiga lagu magacaabo "Cancer epidemiology, biomarkers and prevention".

Isha: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".