Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Dab ka kacay nawaaxiga Kronåsen ee Sollentuna. Daaqadaha iyo albaabada in la xirto ayaa la is fareyaa.

Dhallaan badan oo qaxooti ah oo arrintooda dib loo eegayo

La daabacay tisdag 18 juni 2013 kl 17.13
Sawirle: Scanpix. Qaabayn: Sveriges Radio.

Dhallaan badan oo qaxooti ah oo keligood Iswiidhen soo galay ayaa codsiyadooda dib loo eegi doonaa. Taasina waxay dabasocotaa go’aankii ay toddobaadkii hore gaartey maxkamadda Midowga Yurub oo qoraya in dhallaanka aan mararka qaarkood loo eegin qaraarka Dublin. 

Go’aankaan maxkamadda EU ka hor waxaa go’aan in dib loogu celiyo dalkii ay markii ugu horreysey iska dhiibeen laga gaarey dhallaan tiradoodu dhan tahay 166.

Fredrik Beijer oo ah ku simaha madaxa waaxda sharciyada ee Hay’adda Socdaalku wuxuu ku qiyaasay in boqolkiiba konton dhallaankaas ka mid ahi ay Iswiidhen joogi doonaan oo arrintooda dib loo eegi doono:

- Shaqo badan ayaa sugeysa hawlwadeenada Hay’adda Socdaalka ee ku hawllan arrimaha dhallaankaan, laakiin guud ahaan farqi sidaas u sii weyn kuma samayneyso hawlaha Hay’adda Socdaalka. Waxayse micne aad weyn u leedahay dhallaanka Iswiidhen joogaya si arrintooda dib loogu eego.

Isha: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".