Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Dareewallada gaadiidka dadweeynaha oo shaqa ka fariisi bilaabey

La daabacay onsdag 19 juni 2013 kl 08.32
Moxamed Ibrahim "Waxaa laga yaabaa in shaqo joojinto socoto sadex asbuuc"
(10 min)
Maxamed Shiikh Ibraahim, mid ka mid ah dareewallada shaqa ka fariisiga ku tallaabsadey. Sawirle: Warsame Elmi

Wixii ka dambeeyey saqdii dhexe ee xalay oo uu bilowday shaqa ka fariisigii shaqaalaha gaadiidka dad-weeynaha ayaaney haba yaraatee isku soo dhowaan labada garab ee ururka shaqaalaha Kommunal iyo shaqa-bixiyuhu. Qaar badan ee ka mid ah gaadiidka dad-weeynaha oo saaka shaqada ka istaagey nawaaxiga gobolka Itockholm ayaa sababey iney ku adkaato rakaabkii gaadiidkaasi sidii ey ama ku shaqa tegi lahaayeen shaqadooda ama ku gudan lahaayeen hoowl-maalmeedka.

Ururka shaqaalaha ee Kommunal ayaa hor dhigay ururka shaqa-bixiyeyaasha gaadiidka dad-weeynaha in wax laga bedelo shuruudaha cimilada shaqaalaha iyo in kor loo qaado mushaarooyinka shaqaalaha gaadiidka dad-weynaha saddexda sannadood ee foodda innagu soo haya.

Gaadiidka dad-weynaha ee aan shaqeeyneyn:

Liinyada basaska:

Magaalada Istockholm:

Basaska: 2, 3, 4, 43, 44, 53, 55, 59, 66, 69, 74, 76, 96

Xaafadaha Solna iyo Sundbyberg:

Basaska: 113, 155, 156, 157, 196, 197, 503, 504, 505, 505X, 506, 507, 508, 509, 512, 513, 515, 540, 595

Xaafadda Sollentuna:

Basaska: 179, 514,516, 520, 520X, 522, 523, 525, 526, 527, 528, 592, 598

Xaafadda Södertälje:

Basaska: 748, 749, 750, 751, 752, 753, 754, 754X, 755, 756, 758, 759, 761, 765, 780, 780X, 781, 782, 782X, 784, 784X, 785, 786, 787, 787X, 788, 789, 797, 798

Magaalada Umeå:

Shirkadda gaadiidka Ultra-trafik oo la joojiyey. Warar is-daba joog ah waxaad kala socon kartaa bogga aaladda internetka ee shirkadda Ultras oo ah – /sv/ultra/ – iyo bogga facebook-ga ee Ultras facebook oo ah - http://www.facebook.com/ultraservice

Tareemmada hoowlaha laga joojin doono laga bilaabo 20-ka bisha juun 2013, saacadda 03:00 aroor-nimo

Tareenka dhulka hoostiisa mara leynka cas: Dhammaantiis wuu xirmi doonaa

Pendeltåg-yada: Dhammaantood wey xirmi doonaan

Nockebybanan: Dhammaan waa la xirey

Saltsjöbanan: Dhammaan waa la xirey

TvärbananDhammaan waa la xirey

Laga bilaabo 21 juun tareemmada xadiidka ee Lindingöbanan waxey yeelan doonaan basas bedel ah.

Basaska: 21L, 21X

Isha: SL, Bogga: tabussen.nu

                                                                               kenadid.mohamed@sr.se

                    

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".