Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Dowladda oo ku talajirta inay iibiso qaybta ay ku leedahay Nordea

La daabacay onsdag 19 juni 2013 kl 11.18
Bangiga Nordea. Sawirle: Hasse Holmberg/Scanpix

Dowladdu waxay ku talajirtaa in ay iibiso qayb ka mid ah saamiga ay ku leedahay bangiga Nordea oo gaaraya 230 milyan oo saami, una dhigma boqolkiiba 5,5. Taas oo la micne ah ay dowladdu qaybta ay bangiga ku leedahay ka soo dhimeyso boqolkiiba 13,4 oo gaarsiineyso boqolkibba 8,7. Sidaas waxaa lagu sheegay war-saxaafadeed ay soo saartay waraasadda maaliyaddu.

Dakhliga dowladda ka soo gala saamiyada ay iibineyso waxaa lagu bixin doonaa in lagu yareeyo deynta qaranka. Welina lama goyn qiimaha ay dowladdu ku dooneyso saamiyada ay iska iibineyso. Haddii saamiyadaas lagu iibin lahaa talaadadii qiimihii suuqa saamiyada lagu xiray, waxaa kolkaa khasnadda dowladda soo geli lahaa lacag gaareysa 19,1 bilyan oo karoon.

Dowladdu waxay dooneysaa in ay saamiyadeeda ka iibiso maalgeliyayaal ka kala socda Iswiidhen iyo caalamka. Ciddii daneyneysaana waa in ay soo gudbisaa qandaraas ay ku caddeyneyso qiimaha ay ka bixineyso halkii saami.

Isha: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".